Dowladda Iiraan Oo Ku Ku Guulaysatay Tijaabada Gantaal Nooca Satelite-ka

0
558

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in ay ku guulaysatay tijaabada gantaala awood u leh in uu hawada u xanbaaro satellitka ,maalma uun ka dib markii ay Maraykanka ay Iiraan ku soo rogeen cunaqabatayn dhaqaale taasi oo la xidhiidha barnaamijkeeda gantaalada balastikada.

Gantaalkani ayaa laga riday saldhiga cusub ee lagu magacaabo Semnan oo ku yaala wuqooyiga Iiraan.

Dowladda Maraykanka ayaa canbaaraysay tijaabadani cusub waxa ayna ku tilmaamtay fal daandaansi ah.

Waa markii seddaxaad tan iyo 2009 oo ay Iiraan tijaabinayso gantaalada nooca satellitka oo lagu hagaajiyay gudaha Iiran.

Talafishinka qaranka ee Iiraan ayaa sheegay in gantaalkani uu hawada u diro karo 250 kiilo garaam oo satellite ah uuna gaari karo 500 kiilo mitir.

Af-hayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka Heather Nauert ayaa sheegay in haddii la xaqiijiyo ,ay tijaabadani noqon doonto mid jabisay qaraarkii golaha ammaanka ee qaramada midoobay.

Dowladda Iiraan ayaa dhanka kale wacad ku martay in ay ka jawaabi doonto cunaqabatayntii ugu danbeysay ee ay Maraykanka ku soo rogeen.

Cunaqabataynta Maraykanka ayaa waxa lala bartilmaameedsaday 18 shirkadood iyo shaqsyaad taageeray barnaamijka gantaalada balastikada ee Iiraan.

Cunaqabataynta cusub ayaa timid maalin uun ka dib markii maamulka madaxwayne Trump ay sheegeen in ay Iiraan u hogaansamayso heshiiskii 2015 ee lagu xadidayay barnaamijkeeda hubka Niyukleerka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here