Dadka Falastiiniyiinta oo dib u bilaabay in ay ku tukadaan misaajidka Al Aqsa

0
497

Dadka falastiniyiinta ayaa dib ugu laabtay misaajidka barakaysan ee Al -Aqsa oo aysan muddo laba todobaad ah ku tukan .

Dadka muslimiinta ee misaajidka ku cibaadaysanayay ayaa si raxraxan ah u soo galiyay misaajidka ka dib markii hogaamiyayaasha muslimiinta ay qaadeen qaadacaad ahayd in aan misaajidka lagu tukan.

Muslimiinta ayaa waxa ay horey u diideen in ay misaajidka ku tukadaan tan iyo inta ay Israa’iil ka qaadayso halkaasi qalab wax loogu baadho oo ay ku rakibtay.

Israa’iil ayaa soo rogtay tillaabooyiinkan ammaanka ka dib markii lab ka mid ah askarteeda lagu dilay meel u dhaw misaajidka barakaysan ee Al -Aqsa.

Arrintaasi ayaa wax ka dhashay rabshado ka dhacay magaalada Qudus halkaasi oo ay ku dhaawacmeen 130 qof ka dib markii ay booliiska isku dhaceen dad dibad bax cabasho ah dhigayay.

Falastiiniyiinta ayaa la arkayay iyaga erayo ku luuqaynaya islamarkana dabaaldagaya ka hor intii aysan galin misaajidka.

Ciidmada ammanka ee Israa’iil ayaa shalay ka furay qaybtii ugu danbeysay ee qalab wax lagu baaro oo ay ku xidheen albaabka laga soo galo misaajidka Al-Aqsa.

Madaxwaynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas oo ka jawaabayay tillaabada Israa’iil ayaa todobaadkii aanu soo dhaafnay hakiyay Xidhiidhkii wadashaqaynta ee uu la lahaa xukuumada Israa’iil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here