GAALKACAYO: Bandhig-fanneed Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac

0
697

Hal Qof ayaa ku dhintay, Lix kalena way ku dhaawacmeen Rabshad Caawa ka dhacday Magaalada Gaalkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug ee Dalka Soomaaliya.

Dhimashada iyo Dhaawaca, ayaa yimid ka dib markii Rashadi ka dhalatay bandhig-fanneed ay Fannaanada Fartuun Axmed Sahal Fartuun (Birimo) ku qabatay Koonfurta Gaalkacayo, kaasi oo Culimada Magaalada qaarkood isku dayeen inay joojiyaan, laakiin Dadkii daawanayey diideen.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in markii Taageerayaasha Fannnaadda ee Bandhigga joogay diideen in Fannaanadu joojiso, ay Culimadu ay Nebi ammaan iyo Wacdi diiniya ka bilaabeen meel aan ka fogeyn, taasina sababtay inay isku dhacaan Dadkii Daawanayey Bandhigga Fannaanadda iyo Dadkii la socday Culimadu, taasi oo sababtay dhimashada Hal Qof iyo dhaawaca Lix kale oo qaarkood Culimadii yihiin, inkasta oo Wararka qaarkood sheegayaan in khasaaruhu intaas ka badan yahay.

Rabshaddan oo socotay muddo saacad ka badan, ayaa waxa Ciidammada ammaanka ee Magaaladu u xidheen Dad gaadhaya 50 sida ay ku warrantay Warbaahinta Gaalkacayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here