Masuuliyiin Reer Berbera Ah Oo Madaxweyne SIILAANYO Iyo Safiir Baashe Cawil Xaal Ka Siiyey Weedho Deel -Qaaf Ah Oo Xildhibaan Jaris Ka Xoor ahi Usoo Jeediyey

0
495

Masuuliyiinta ugu tunka wayn xubnaha siyaasiyiinta ah ee ka soo jeeda gobolka Saaxil ayaa kulan ay iskugu yimaadeen waxa ay xaal marin iyo raali-galin hawada u soo mariyeen Madaxweyne Siilaanyo oo cay iyo af-lagaado kala kulmay Xildhibaan Siciid Cartay oo arimo aan looga baran shaqsiyaadka masuuliyiinta ah ku weeraray Madaxweynaha Somaliland iyo safiirka imaaraadka u fadhiya Somaliland.

Ugu horayn Odaygii siyaasadda ama golaha wakiilada soo galiyey Siciid Catay oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu horayn xaal marin siiyey Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo Caydi iyo habiirkii dhawaaqa xumaa ee xildhibaankaasi ka soo yeedhay waxaana uu yidhi.  “ xag xagashada Madaxweynaha Qaranka Somaliland waxa ka mid ahayd xag xagashadaa safiirka Somaliland Imaaraadka u fadhiya waxa ka mid ahayd dhamaan masuuliyiinta Saaxil ka soo jeeda oo uu yidhi waxba tari maayaan Xildhibaankaasi xag xagashadiisa waxa uu soo gaadhsiiyey dawladi ma jirto amar haka qaadin-na wareegtada madaxweynaha ha aqbalina hadii uu halkaasi soo gaadho xildhibaanku dee isaguna Xildhibaan noqon mayo” Maayarka Magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin ayaa sheegay in safiir Baashe Yahay safiirka Safiirada isla markaana bulshada saaxil u ogsoon yihiin abaalka uu qaranka u galay waxaana uu yidhi. “ anaga iyo bulshadayadu waxaanu ku faraxsanahay in magaaladayadu horumar gaadho dekeda la balaadhiyo waxaanu aad uga xunahay af-lagaadada shaqsiga ah ee uu af lagaadeeyey safiirka oo ah taasi nina afkiisa lagama xaal siiyo anagu Baashe waxaanu u naqaanaa marka loo eego safirada dhigiisa inta hawlood ee uu dhaqaajiyey iyo waxa uu qabtay aynu odhan karno waa safiirkii safiirada oo cid gaadhi mayso.”

Agaasimaha Wasaaradda diinta iyo awqaafta sheikh Saleebaan Siciid Cali ayaa si adag uga hadlay dhawaaqii gacan ku rimiska ahaa eek a soo yeedhay xildhibaan siciid cartan kaas oo aflagaado aan loo meeldayin kula dulku fay Madaxweynaha qaranka iyo qoyska madaxweyne siilaanyo gaar ahaana safiirka imaaraadka Carabta ufadhiya Somaliland waxaanu yidhi. “waxqabadkaa balaadhan ee aad aragteen wadooyinkaa berbera ku yaala hargeysi malaha maanta taasi la arkayo in la dafiro markaa horumarkaa iyo waxqabadkaas ayuu xildhibaanku indhaha ka qariyey xildhibaan haddii qoladaa Dp World noqotana aynu is gaadhno” sheikh saleebaan siciid cali

Ugu danbayn Maareeyaha Dekeda Berbera ayaa sheegay in kooxo aan laxajeclo ka lahayn qaranka Somaliland ay xildhibaanka soo dhabar taabteen isla markaana isagu uu iska fahmi waayey waxaana uu sheegay in Siciid Cartan noqday dheemaal raac. “fahamkii xildhibaanadu aanay u daarnaynba ama aanu cartan fahansanayn ee uu markasta cid kale oo la shaqaysaa ay danahan ku soo abuurto xaga danbe ha u fadhiyaan waxaanan aamin sanahay in cid aan danta qaranka wadin inta ay ku soo dhaliso fikaradan iyaguna ay ka fadhiisteen oo shaashada ka dhuunteen xaga danbana ay ka hagayaan isagiina ay shaashada soo dhigaan laakiin nasiib daro wuu iska fahmi waayey.” Ayuu yidhi Maareeyaha Dekeda Berbera.

Xildhibaan Cartan oo ka mid ah xildhibaanada gobolka Saaxil laga soo doortay ayaa shalay cay aflagaado ah oo anshaxa mudane shacab soo doorto ka baxsan ku af lagaadeeyey Madaxweynaha Somaliland iyo qoyskiisa isaga warbaahinta dhex mariyey hadalo habaar ah oo cay aan gabasho lahayni ku lamaan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here