Haweenay Hargeysa Kaga Dhawaaqday Faldhiig-Bax Ku Ah Dadka Reer Somaliland Iyo Kiniisad Lagu Fidinayo Manaahibta Kootaliga Oo Haweenay Ajaanib ahi Hargeysa Ka Furtay

0
513

Hargaysa (QORYAALE) Magaalada Hargeysa ayaa si rasmi ah looga daah furay kiniisad dadka kiristaanka ahi ku cibaadaystaan isla markaana lagu faafinayo diimo aan ahayn diinta suuban ee islaamka oo umada somalidu boqolkiiba boqol haystaan.

haweenay ajaanib ah oo shaacisay in ay si caawimo ah Somaliland u timi isla markaana ay dagaal dher u gashay sidii ay u furi lahayd kiniisadan ay ku cibaadaysanayaan dadka aaminsan manaahibta kootaliga.

Waxa ay sharaxaad dheer ka bixisay qaabka xukuumada Somaliland arintani ku ogolaatay waxaana ay sheegtay in Somaliland ay gar waaqsatay in hargeysa laga furo kiniisad ay ku cibaadeystaan dadka diimaha aan diinta islaamka haysan ay ku cibaadeystaan sidaasi darteedna ay ugu danbayn u ogolaatay furitaanka kiniisadan ay dadka gaaladu ku cibaadaysanayaan laguna faafinayo diimahaasi.

Somaliland intii ay xornimada la soo noqotay waa markii u horaysay ee si rasmi ah shaaca looga qaado in kiniisad lagu faafinayo manaahiibta kootaliga laga furay Magaalada Hargeysa waxaana munaasibad balaadhan loo qabtay madashii lagu daah furayey. Taasoo dhawaaqa haweenaydii sheegtay inay u xadhko xidhatay sidii ay ufurula hayd kiniisadani ay dhawaaqeedi ka dhex abuuray dadka Somaliland buuq iyo jaah wareer ku saabsan sida ay haweenaydani ugu dhiiratay in ay gudaha Somaliland kaga dhawaaqdo inay kiniisad lagu cibaadeysto ay ka furtay waxaana ay horsed unoqon kartaa in dhalin yaro badan lagu guubaabiyo inay dhalin yaro badani qaadato manaahibta kootaliga.

Sidoo kale Somaliland oo dhamaan dadka ku dhaqani muslim yihiin ayaa arrintani horseed unoqon kartaa amni xumo ka dhalata oo lagu wiiqo nabad galyada Somaliland horumarkaa ku gaadhay muddo lix iyo labaatan sanno ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here