Wasiirka Warfaafinta oo soo xidhay Bandhigga Buugta ee Hargeysa:

0
419

Hargaysa (QORYAALE) Bandhigga  Buugta ee Hargeysa, oo lix maalmood ka socotay Magaalada Hargeysa ayaa caawa lagu soo gaba gabeeyay Hotel Guleed ee Magalaada Hargeysa. Bandhigga  Buugta ayaa ah mid sannadkiiba hal mar lagu qabto magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland,  iyadoo sannad walba la qaato Hal ku-dheg sanadkaas la falanqeeyo,  Sannadkan iyo Hal ku dhegguna wuxuu ahaa Connectivity (Xidhiidhsami) Waxaana sannad walba lagu soo marti qaadaa waddan kamida waddamada Afrika.

Bandhigga buugta Hargeysa ayaa galay sannad  guurradii tobnaad ee  ka soo wareegtay xilligii la asaasay. Bandhigga sannadkan ayaa lagu qabtay toban goobood oo kala duwan waxaana kamid ahaa:  Xarunta dhaqanka ee Hargeysa, Laasgeel, Laaleys Coffee, SummerTime, Jaamacada Hargeysa, Jaamacada Adna Aadan, Hiddo dhawr, iyo goobo kale.

Wasiirka wasaarada Warfaafinta mudane Saxardiid Cismaan Caddaani ayaa soo xidhay bandhigga waxaanu hambalyo u diray dhammaan soo qaban qaabiyeyaasha bandhiga gaar ahaan Dr. Jaamac Muuse Jaamac iyo Ambassador Ayaan Maxamuud  Cashuur. Wasiirka oo ka hadlayey bandhiggan iyo muhiimadda uu u leeyahay qaranka ayaa sheegay in ay tahay in la joogteeyo sidoo kalena laga wada shaqeeyo arrimaha fanka iyo suugaanta waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “Waxaanu soo dhaweynaynaa cid kasta oo ka shaqaynaysa fanka iyo suugaanta ummadda Somaliland, waxaanu sidoo kale balan qaadaynaa in aanu dib u soo nooleyn doono fankii hore soona saaridoono fanaaniin badan iyo abwaana ba”

Sidoo kale waxa xafladda xidhitaanka ka hadashay Marwo Adna Aadan ismaaciil ergeyga u qaabilsan  Somaliland wada hadalada Soomaaliya waxaana ay sheegtay in ay aad uugu faraxsantahay in muddadaa uu bandhiggu socday ka qayb ahayd ugu dambeyntiina waxa ay shacabka ka codsatay in ay uugu duceeyaan in xilkaa loo magacaabay uu Alle u fududeeyo. “Waxaan u taaganahay in aan u hadlo wax kasta oo ay xaq u leedahay Somaliladn, waxaanan idinka codsanayaa in aad igu taageertaan hawsha la ii idmay Alle na iiga baridaan in uu ii fududeeyo gudashadeeda”

Ugu dambayna Dr. Aadan oo ka tirsan uruka RiftyValley ayaa isna cabiray bandhigga iyo wixii uu ku soo kordhiyey qaranka waxaanu sheegay sida uu u arko bandhigga oo toban jirsaday “ Billawgii bandhigga oo ahaa 2008 buugta qoran ee wakhtigaa la soo bandhigayey boqolkiiba sagaashan waxay ku qornaayeen luuqada af-ingriisiga halka maanta boqolkiiba sagaashan ay buugtu ku qoranyihiin Af-soomaali taasina waxa ay  muujinaysaa bandhiggani waxa uu  ummadda ka badalay”

Bandhigga ayaa xalay lagu soo  afmeeray Hotel Guled ee Magaalada Hargeysa, martida ka soo qeyb gashay  ayaa waxay halkaa ka jeediyeen qudbado kala duwan oo la xidhiidha Hal ku dhegga sannadkan oo ahaa Xidhiidhsamida.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here