Sheekh Aadan-Siiro Oo Ka Digay In Colaadda Ceel Af-weyn Ku Fiddo Gobollada Dalka, Xukuumaddana Canaan U Jeediyey

0
474

Hargeysa (QORYAALE) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa mar kale Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Colaadda soo noqnoqotay ee ka taagan Tuulada Dararweyne ee Degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag.

Sheekh Aadan-Siiro oo Shalay Khudbaddii Jimcaha kaga hadlay Dambiga uu leeyahay Qofka si u kas ah u dila Qof kale oo Muslim ah, ayaa si faahfaahsan uga hadlay Dagaalka Ceel Af-weyn dhowrka jeer ku dhex maray labada Beelood ee Walaalaha ah, isagoo xusay in Xukuumaddu wax ka qabashadiisa ka gaabisay.

Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxa Maanta ka socda Ceel Af-weyn waa u kas, ILAAHAYNA wuxuu yidhi Qofka u kas u dila Qof, ILAAHAY-baa u cadhooday oo Raxmaddiisa ka fogeeyay, Abaal-marintiisuna waa Jahanaba waanu ku waarayaa. Maanta maxaa Ceel Af-weyn la iskugu dilayaa.? Wadaaddadii way ka gaabiyeen, Xukuumaddii way ka gaabisay, inta Caqliga iyo Cilmiga lihi way ka gaabiyeen. Waa Dadkeenii oo waynu garanaynaa, waalla garanayaa ka Fidmada wada, waalla garanayaa Tobanka Fidmada wada, maxaynu Dawladda u samaysanay, maxaynu u samaysanay Miisaaniyadda la leeyahay waa 360 Milyan, maxaynu u samaysannay Ciidammada Lixdanka Kun ka badan, waa ayo Cidda ay Ciidammadeennu innaga ilaalinayaan ee ay Xuduudaha u joogaan.? Ma waxaynu aqbalnaa, ma waxaynu dhegaysanaa, ma wax la yeeli karaa Laba jilib oo yaryar oo ka mid ah Dadkeena (ayaa la heshiisiin kari la’yahay). Waxa Sirdoon jira, waxa C.I.D jirta, maxaynu jeelasha u samaysannay, miyey kun noqdaan, miyey laba Kun noqdaan ? Dadkii khuburadaha ahaa ee ugu badnaa Ciidammadii Dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya way joogaan, ma waxaynu ogaan kari la’nahay 10, 20 ama 30 wadda Dagaalka soo noqnoqday 7-da jeer, si aynu uga qaadanno Go’aan wada jir ah, waxaanu leenahay Xukuumaddaa ka gaabisay.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu ka digay in Dagaalka Ceel Af-weyn ku fido Magaalooyinka kale ee Dalka haddaan si deg-deg ah wax looga qabanin, “Qabaa’ilkaasi way deggan yihiin iyadoo Acyaantoodiina joogto, hadduu Dagaalkaasi fido Hargeysa ayaan la joogayn oo Caasimaddii ah, Gobolladaan la joogayn, Waayo? Dagaalku wuu fidayaa, Dagaalkuna hadduu beelo noqdo dhib badan ayuu Ummadda u keenayaa, waana waxyaabaha dumiya Xukuumadaha, Waayo Qabaa’ilku ma guuranayaan, laakiin waxaynu kaga hor-tagi karnaa in inta Caqli iyo Xikmad la isku geeyo Gacanta lagu qabto Cidda sidaa samaynaysa.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Odhan maayo Xukuumaddaa ka dambeysay (Dagaalka Ceel Af-weyn), laakiin waxaan leeyahay waxa halkaa ka socda waa wax aynu si fudud u dhamayn karayno, sidaynu u dhamaynaynaa, Toban kun oo Qof haddii la yidhaahdo iyagaa (Dagaalka) ka dambeeya dhammaantood Jeelka ayaynu geynaynaa, hadday kun noqdaana waynu soo xidhaynaa, markaa waa in Xukuumaddu shaqadeeda qabsataa, waa in Ciidammada loo diro oo la baadho, Waayo? intaas oo jeer bay innagu soo noqotay. Intaa yar ee Doorashadu socoto waxa wanaagsan in Dhegaheennu taagnaadaan oo wixii Nabadgalyadaa waxyeelaya iska ilaalinaa. Walaaladeenna (Kuwa Dagaalamaya) waxaanu leenahay Dantiina ku faafa.”

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here