Qadar Oo 290 Mashruuc Ka Fulisay Soomaaliya, Intii Ka Dambaysay Khilaafka Dalalka Khaliijka

0
610

– Hay’adda dowladda u Qadar qaabilsan  gargaarka ee Qadar Charity ayaa sheegtay in Dalka Soomaaliya ay ka fulisay 290 mashaariic horumarineed oo ahayd taageero ka timid shacabka Qadar, mashaariicdaas oo Lacagta  ku baxday ay dhamayd 35 milyan oo lacagta riyaalka dalkaasi tan iyo bishii june ee sanadkan

Mashaariicda waxay ay isugu jiraan ceelal la qoday, dhismaha xarumo waxbarasho iyo kuwo caafimaad, Xarumo dadweynaha, mashaariic dakhli soo saaro oo dadka danyarta ah lagu caawiyay iyo mashaariicda gargaarka deg deg ah

Warsaxafadeed ka soo baxay hay’adda  waxaa lagu sheegay in xafiiska ay ku leeyihiin Magaaladda Muqdisho uu gacanta ku hayo in ka badan 600  oo mashruuc oo ay ku baxayso 24 Milyan, taasi oo ku talagalka yahay in la fuliyo ilaa dhammaada sanadkan 2017ka

Hay’adda Gargaarka ee qadar, waxay kale oo sheegtay inay maalgaliyaan mashaariic kale oo ay dalka ka wadaan hay’adaha qaramada midoobay sida unicef, hay’adda cuntada iyo beeraha ee FAO, UNHCR, hay’adda bisha Cas iyo hay’ado kale oo caalami ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan dhexdhexaadnimo ah ka qaadatay khilaafka u dhexeeya wadamada khaliijka, waxayna diideen dalab uga yimid wadamada Sucuudiga iyo Imaraadka oo ahaa inay xidhiidhka u jarto dowlada Qadar, waxaana tan iyo markaasi bilowday mashaariic tiro badan oo dowlada Qadar ku caawinayo dowladda federaalka.

Ugu dambayn, Dawladda Somaliland ayaa markii khilaafku soo kala dhex galay Qadar iyo Xulafada uu Sucuudigu hoggaamiyo, waxay taageertay Xulafada Sucuudigu hoggaamiyo, waxayna ku dhawaaqday inay Xidhiidhka u jartay Dawladda Qadar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here