Xiisaha Kulamo Is Arag Siyaasadeed ah Oo Beesha Murashax Cabdiraxmaan Cirro Guddi Cod Raadis ah Ugu Dirtay Beesha Bariga Burco Oo Ka Dhacay Hotel Kaafi Iyo Shuruud Shirka Balan U Dhigtay

0
529

Kulan joog hoose ku socda oo u dhaxeeya beelaha dega galbeedka burco iyo Bariga burco ayaa ka qabsoomay Hotel Kaafi ee magaalada burco, kulankan oo maqsadkiisu ahaa mid salka ku haya doorashooyinka dalka ku soo foodleh ayaa xaraaradiisu ka curatay hoyga burco.

Ilo xogogaala oo diiradda ku hayey dhaq-dhaqaaqa shirka ayaa wargeyska SAHAN uga waramay ujeedka uu daaranaa shirkaasi waxaaney tibaaxeen in guddi ka socota beesha murashax cabdiraxmaan cirro ay la kulmeen gudida Nusdambeedka u ah beesha bariga burco oo labada dhinacba ka koobnaayeen mid 30 xubnood  waxaaney is xogwaran guud ka dib guddidaasi usheegtay inay yihiin xubno loo xilsaaray inay maanta madashan ugu yimaadaan isla markaana risaalad loo soo wakiishay ay usidaan inay usheegan.

Ugu horeynta waxaa madasha ka hadlay xubin ay usoo xilsaareen inuu gacanta ka saaro fariintii loo soo dhiibay wuxuuna carabka ku dhuftay inay rabaan in beesha habarjeclo uga yimaadaan 150 odey oo talo gooyeen ah isla markaana kala xaajoodaan siidii beesha habarjeclo codkooda usiin lahayd beesha galbeedka burco maadaama ay sheegeen inaanay sharaxnayn beesha bariga burco.

Sidoo kalena waxay ku adkeeyeen inay ay ku soo diyaar garoobaan muddo kooban oo si wadajir ah looga xaajoodo arrimaha culus ee shirka lagu lafa guray.

Dhanka kale waxay ilahani tibaaxeen in Guddidii Nusdambeedka u ahayd beesha bariga burco ay usheegtay inay baadi doonayaan tirada odayaasha ay dalbadeed ee talada deegaanada beesha bariga gooya isla markaana ay balanta dib uga soo samayn doonan marka laysla helo cida ay codsadeed ee ka talinkarta inay ka jawaabto dalabka beesha murashax cabdiraxmaan cirro.

Kulamadan jooga hoose ku socda ee burco ka qabsoomay ayaa ah mid kor uqaaday xaraarada siyaasada ee xisbiyada dalka gaar ahaana murashaxiinta qasridoonka ahi maadaama magaalada burco saldhig u tahay tartamayaasha ku baratamaya inay qasriga fuulaan oo isku baacsanaya cududa codka yaala burco maadaama foorihii guushu ka curtay gobolka todheer.

Dhinaca kale waxaa su,aalo saddex ahi horyaalaan kulanka labada ardaa ee loo balamay in codka doorashada laysku weydiisto sidii laysku siin lahaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here