“Aroorta Hadaad Wax U Dhiibataan Ku Aan Imikaba Cid Qabataba Aan Lahaynoo, Siilaanyo ba Laga Qaban Kari Waayey, Ilaa Uu Kursigii Uu Siiyuu Madaxa Kaga Dhufto” Siyaasi Ismaaciil Yare

0
660

Siyaasi Ismaaciil Aadan Cismaan oo ka tirsan xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa daboolka ka qaaday dhaliilaha dul hoganaya xisbiga talada haya ee Kulmiye, waxaanu tilmaan ka bixiyey dhaqamada iyo shakhsiyada labada Musharax ee Waddani iyo Kulmiye oo ka mid ah saddexda musharax ee ku tartamaya doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Siyaasi Ismaaciil Yare ayaa arimahaasi kaga hadlay khudbad uu maalintii shalay u jeediyey shacabka degmada Alaybaday oo uu socdaal ay ku tageen masuuliyiinta xisbiga Waddani, waxanau hadalkiisa ku bilaabay Ismaaciil Yare oo uu yidhi “Waxaan aad u salaamayaa reer Alaybaday rag iyo dumarba soodhaweynta aad na soo dhaweyseen xisbiga Waddani iyo hogaankiisa.

Tan daahyada iyo calamada xisbiga Waddani ayay goosteen la leeyahay, wax cusub maaha oo dhaqanka Kulmiye waa iska sidaa oo anaga ayaa tartan hore ula soo galnay oo lama yaabayno oo Maansoor Hotel oo caalamiya ayay koobabka iyo quruuradaha ay nala dhaceen oo loo soo joogay.

Anaga oo markaa wax kale aan ku hadlayn oo doodayadu ay tahay in Asxaabta la furo, ninbaa wuxuu halkan ka lahaa Wasiirkii Daakhiliga ee hore, Wasiirkii daakhiliga waanigii ka tagay bari hore ee furtay Ururkii la odhan jiray Dalsan ee ka mid noqonay todobadii urur ee soo baxay, markaa odaybaan ahay ku soo biiray xisbiga uu madaxda u yahay Cabdiraxmaan ee Waddani, markii aanu tartamaynay Kulmiye halkan ayaanu iskugu nimidoo waataanu naqaanay ee hadhka cad aanu dirnay ee Illaahay nagu guuleeyey, wax kalena kumaanaan guulaysan intii aan anigu UDUB la joogay, waxaanu aaminsanayn in ka wax bixiyaa uu yahay uun Illaahay ka wax-qaadaana uu yahay uun Illaahay.

Illaahay waxa aynu maanta Cabdiraxmaan u waydiinaynaa oo aanu u baryeynaa oo aanu cadceeda u hoos taaganahay inuu ka kidho Madaxweynaha usoo baxa dalkan ee hogaamiya.

Waxaan sidaa u leeyahay qaar imikadaa cid idinka qabata aan haynin oo anaga wax naga qabta aanu waynay oo dhag la qabto aan lahayn marka ay madaxweyne idinku noqdaan ka warama, yaa idinka qabanaya, Cabdiraxmaan aniga ayaa qabanaya marka uu Madaxweyne noqdo, hadii uu qabsoomi waayana waan isku qarxinayaa, anaga ayaa qabanayna Cabdiraxmaan waan idiin sheegaynaa, Illaahay waxa aanu ka baryeynaa oo aanu Illaaha macbuudka ah aanu waydiisanaynaa oo aanu leenahay illaahow gaal iyo islaamba adaa boqree Cabdiraxmaan noo boqor oo Madaxweyne nooga dhig Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland.

Kulmiye inalama tartamayoo waxa uu is leeyahay aad ku shubatid ‘Alle idin qabay ayaanu leenahay’, anaguna waanu soo jeednaayoo shaqada Kulmiye aadbaanu u garanaynaa oo habeen iyo maalinbaan usoo jeedayoo imikana maba seexdaba, waxa halkan ka socday iyo canaasiirtii ka socotayna midna anigaa qorayoo Gobanimo-geeyoo halkaas ayuu magaca kula baxay, ka kalena Sayladda ayaan ka soo qaatoo gudoomiye ayaan ka dhigay oo Alaybaday ayaan gudoomiye uga dhigay, maantana waakaa bahaladii naga jarjaraya, waxaan leeyahay waa Ismaaciil ninkan idinla hadlayaaye ha lug-gu’ina ee lugooyadana daaya.

Cabdiraxmaan Ciro, waxaanu ku dooranay cid qabata ayuu leeyahay oo wuu idin dhagaysanayaa, wuu idin sugayaa oo wuu idiin sabrayaa oo jawaabtuu ku siinayaa.

Qofku hadaanu kuba maqlaynin, Aroorta ku aan kuba maqlaynin hadaad wax u dhiibataan ka warama, Aroorta hadaad wax u dhiibataan ku aan imikaba cid qabataba aan lahaynoo Siilaanyo-ba laga qaban kari waayey, ilaa uu kursigii siiyuu madaxa kaga dhufto, Siilaanyo markuu iska furfuri kari waayey oo uu wax walba yeelay, kursigii buu siiyey oo xisbigii ayuu siiyey, markii ugu dambaysayna waxaanu soo taagnaynoo bal Cabdicasiis Samaale iyo qoladani tartanka ha la galaanoo, tiina dhab ayuu siiyoo waar lalama tartamayo ayuu yidhiyoo isaguunbaa leh, wax qabata waa la waayey.

Ololuhu wuu dambeeyaa Kitaabal Akhtarkana waan furi doonaa, intan horudhac baa la yidhaa, buuga horudhaciisa saw ma taqaanaan, waa buuga hordhiciisii kaambaynkuna wuu dambeeyaa.

Cabdiraxmaan waa nin aan kibir ku jirin, oo aayar socda, oon cirka eegayn oo dhulka eegaya, Alle ha guuleeyo ayaanu leenahay.

Qaarbaa waxay ku hadaaqaan hadii uu helo Waddani Xamarbaa la geynayaa, hadii uu helo Waddani Habar-Awashaa la gumaysanayaa, halkee lagu arkay reer, reer gumaysta waligeedna lama arage, Awood Maxamed Siyaad Bare-na wuu ku gumaysan waayey.

Waxa la yidhi Maxamed Siyaad Bare nin fariidoo dad badan oo baas oo hareeraha ka jooga ayaa qaldayoo si xun u galay, intuu iskugu yeedhayoo ayuu wuxuu yidhi ‘Waar horta Isaaqu ma qabiilbaa mise waa qaran’? markaasay yidhaahdeen madaxweyne waa qabiil, markaasuu yidhi waar maaha qabiile waa qaran, xageebaad ku aragteen qabiil qaran dhan roga. Xisbiga Waddani waa qaran weeyi maaha qabiil’.

Ta labaad mid meel ku guntada oo ha ilaabina, waar qarankan yaa goostay inay Somaliland ay Somaliland noqoto oo ay gooni isku taagto, oo aanay koonfur dib ugu biirin, ma shacbigaa goostay mise nin siyaasiya ayaa goostay, anagu hadaanu goosanay bari hore ayaanu dantayada raaci lahaynoo xamarbaanu geyn lahayn, miyaanu geyn karnaa waa (irraadatu shacab), shacabkaa goostay oo waxan iska leh nin geyn karaa ma jiro.

Qabiil ayaan mid qudha idiinka sheegayaa, Xirsi sidii aan Raysal Wasaaraha uga ahaa UDUB ayuu Kulmiye uga ahaa, adeerkiina saw muu haysan, ma cidbaa ka eriday, waligiina kamuu dageene caqli iyo cilmi buu lahaayoo isaga haytoo caqli iyo cilmi ayuu ku waday, kolkuu arkay bahashu siday u socoto ayuu yidhi qabiilow uf, anigu caqligayga iyo garaadkayga xor baan u ahay oo wuxuun la iguma khasbayee, bal taas oo qudha qiimeeya.” Ayuu yidhi Siyaasi Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here