Saraakiil ka Tirsan Xisbiga KULMIYE oo si wayn loogu soo Dhaweeyey Magaalada Allaybaday

0
640

Masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE oo socdaal hawlo kormeer ah u tagay Gobolka Gabiley maanta, ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey magaalada Allaybaday.
Madax uu hoggaaminayey Xildhibaan Xasan Cabdi Shahar oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Deegaanka Hargeysa oo ay wehelinayeen Siyaasi Maxamed Aadan Dubbad (Gacayte) iyo saraakiil kale oo heer qaran iyo degmo ah, kuwaas oo dardargelinta hawlaha shaqo ee xisbiga KULMIYE iyo u diyaargarowga doorashada u jooga Gobolka Gabiley, ayaa si ballaadhan oo aanay u kala hadhin dadweynaha reer Allaybaday ay ugu soo dhaweeyeen magaaladaasi markii ay gaadheen, waxaannay masuuliyiintaasi markii dambe goob fagaare ah kala hadleen shacabka oo ay uga mahadceliyeen sida ay u qaabileen iyo sidii wanaagsanayd ee ay uga qaybqaateen qaadashadii kaadhka codbixinta oo Axaddii shalay si rasmi ah looga soo gabogabeeyey gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here