Amar Madaxweyne Oo Lagu Xareeyey Gaadiid Dawladdu Leedahay Iyo Baabuurtii Ugu Badnaa Ee GT-ga Oo Kooxo Gaar Ahi Guryo Ku Xaraysteen

0
517

Amar guud oo ka soo baxay xukuumada Somaliland ayaa lagu dabray hantidii Dawladda gaar ahaan gaadiidka GT-ga oo badankoodii loo bedelay baabuur shaqsi laguna xidhay Lanbaro aan sharcigu xalaal ka dhigin isla markaana ka hor imanaya nidaamka Dawlada waxaana dib loo saxay dariiqaasi la qaloociyey.

Hawl galo ay ciidanka wadooyinku sameeyeen ayaa lagu fuliyey hawl galo lagu qab qabtay laguna xidhay baabuur ay ku xidhnaayeen Lanbarka shacabku kuwaasi oo ahaa Baa Buurtii Dawladda.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada wadooyinka Faysal Xiis oo warbaahinta la hadlay ayaa arintan si rasmi ah u xaqiijiyey waxaana uu yidhi  “Dhawr baabuur ayaanu qabanay, waxaanan gaynay wasaarada hawlaha guud, amarkaasina waa mid guud oo
dawlada ka soo baxay, cidii wadata baabuurta GT waa  inay ku xidhaan lambarkii saxda ahaa ee loogu tala galay.”
Taliyaha Ciidanka Ilaalada Wadooyinku waxa uu shaaca ka qaaday in gaadiidka Dawlada ee lagu xidhay Lanbarada khaldan meel kasta oo ay yaalaan laga daba tagi doono isla markaana lagu xaraynayo xarunta Wasaaradda Hawlada Guud. “Ciidanka Booliska guud ahaan gaar ahaan ciidanka nabad galyada wadooyinku waxay ka shaqaynayaan baabuurtii ay dawladu lahayd  oo intoodii badnayd lagu xidhay lambar Somaliland ah, waana sharci daro, waxa weeyaan in baabuurta dawlada loo ogol yahay inay ku xidhaan lambaradii ay dawladu lahayd, kaas ayaana lagu soconayaa oo laga hawl galayaa, haddii ay yaalaan meelo gaar ah iyo haddii ay yaalaan geerashyadaba waa laga soo qaadayaa baabuurta dawlada, waxaana lagu xaraynayaa wasaarada hawlaha guud, waxaanan ka codsanaynaa cid kasta oo haysata baabuurtaas inay iska soo xareeyaan ama ay ku xidhaan lambarkii gaadiidka dawlada.” Ayuu Yidhi Taliyaha Ciidanka Ilaalada Wadooyinku.
Amarka ayaa ah mid hore uga soo baxay Madaxweynaha Somaliland isla markaana uu ku amray in wixii gaadiid ah ee Dawladu leedahay lagu xidho Lanbarka loogu talo-galay ee GT-ga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here