“Waxa Na Soo Maray Ilma Yar Oo Laba Jir Ah Oo Nin 70 Jir Ahi Kufsaday.” Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex

0
609

Gudoomiyaha Maxkamadd Gobolka Maroodi-jeex Axmed Dalmar Ismaaciil ayaa markii u horaysay madal fagaare ah oo su’aallo lagu waydiinayey ku soo bandhigay arimo naxdin ah iyo kufsiyo amakaag ku noqday shacabkii madasha fadhiyey.

Axmed Dalmar waxa uu sheegay in uu soo maray Ilma Yar oo laba jir ah oo la kufsaday ka dibna dhintay qofka kufsadayna uu ahaa 70-jir taasi oo fajac ku abuurtay shacabka waxaana uu sidaasi ku shaaciyey mar uu ka qayb galayey barnaamijka Qanci Dadkaaga ee Telefishanka Hct.

Sidoo kale waxa uu soo bandhigay arimaha ugu yaabka badan kiisaska soo maray oo hore aan xogtooda shacabka loo soo bandhigin isla markaana la ilaalin jiray waxaana uu yidhi isaga oo ka hadlaya.  “Waxaanu aragnay Ilma yar oo laba jir ah oo la kufsaday oo dhintay, waxaanu aragnay inan yar oo lix jir ah oo la kufsaday oo dhimatay, Ilma yar oo laba jir ah oo la leeyahay waxa kufsaday oday 70 jir ahna waanu aragnay,” waxa sidaas yidhi Axmed Dalmar Ismaaciil Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex

Sidoo kale Axmed Dalmar waxa uu sheegay in uu xukumay dad aan tiro lahayn oo kufsiyo u gaysta haweenka isla markaana waxa uu soo bandhigay qadar sikimo ah oo qofku noloshiisa khasaare iyo xabsi dheer ugu horseedo waxaana uu yidhi. “Walaahi timahayga ka badan inta aan 10sano iyo 15-sano ku xukumay ee xabsiyada ku jira hal sikin ayuu khaldamay inan ayuu kufsaday hal sikin ayuu 15-sano oo noloshiisa ah isaga oo dhalinyaro ah oo 20-jir ah ku waayey 40-jirna wuu ku soo baxayaa jiilashii oo dhana wuu waayayaa ganaaxiina wuu daba taagan yahay.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex Axmed Dalmar.

Waa markii u horaysay ee hanaan noocan oo kale ah loo soo bandhigo kiisaska naxdinta leh ee kufsiga kana dhaca gudaha Somaliland isla markaana sida bahda Cadaaladdu ku dhaarteen kiisaska kufsigu ay yihiin kuwo aan tiro iyo tiris lahayn oo xadigooda dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here