Faysal Cali Waraabe Oo Magacaabay Xilal Xog-hayaal Ku Kooban Iyo Cugashada Murashii Ku Xigeenka U Ahaa Oo Wali Naawilaad Ku Jira

0
422

Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa laba masuul oo xilka Xoghaye ku magacaaban ku soo diray masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee UCID kuwaasi oo noqonaya xubno aan saamayn sidaa u badnayn ku yeelanayn xisbiga wali laga tabayo saaxada tartanka ee UCID.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah Yuusuf Jaamac Cismaan oo noqonaya xoghaya Warshadaha iyo Cabdilaahi Maxamed Cabdi oo isaguna noqonaya xoghaya deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee xisbiga UCID waxaana labaduba ka siman yihin ku socod baradka ama cusboonaanshaha saaxada siyaasadda ee guud ahaan Somaliland.

Magacaabista Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa cadayn u ah in aanu wali istaadhin xisbigiisa isla markaana aanu diyaar u ahayn wakhtigan la joogo siyaasad xamaasad iyo xiisad leh oo looga bartay xisbiyada dalka iyo ololihii Faysal Cali Waraabe samayn jiray wakhtiyadii doorashadan ka horaysay.

Labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani ayaa saxaadda siyaasadda wadanka si wayn ugu hirdamaya halka UCID aanu wali soo buuxin booska murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland xisbiga waxaana shacabku si wayn uga war sugayaan siyaasadda uu Faysal la aamusan yahay iyo shaxda iyo markii sadexaad shacabka kaga dalbanayo bixinta codkooda sii uu u noqdo Madaxweyne Somaliland ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here