Murashax Cirro Oo Maanta Waydaaranaya Kursi 12-sano U Gaar Ahaa + Hirdanka Mudanayaasha Oo Istaadhmay, KULMIYE Iyo WADDANI Oo Ku Cartamaya Kursiga Waddani Ka Unkam

0
509

Mudo badan ka dib Cabdiraxman Cirro waxa loo gaadhay go’aan uu mudo badan ku dhac waayey isla markaana uu ka war wareegayey oo ah Is-casilaada ama banaynta kursiga Gudoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland oo uu 12-sano ku fadhiyey isla markaana aanu wax horumar ah ku soo kordhin kaliya uu ka dhex samaystay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo uu abuuray intuu joogay golaha wakiilada.

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha wakiilada Somaliland Cali Yuusuf ayaa shaaca ka qaaday in uu Cabdiraxman Cirro maanta oo arbaca ah uu iska casili doono jagada Gudoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland waxaana uu yidhi “Arintaasi shir gudoonku maanta ayaanu ka shirnay waxa aanu isla garanay inuu Gudoomiyaha Cabdiraxman Cirro uu beri Is-casilaadiisa keeni doono kolkaa sidaas ayaa layskugu yeedhay Xildhibaanada golaha wakiilada in ay beri ka soo qayb galaan shirkaasi.”

Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha Wakiiladu waxa uu cadeeyey in isaga iyo Baashe ay lahaayeen amarka uu Cabdiraxman Cirro isku casilay isla markaana labadooda oo kali ah uu kala tashtay xiliga ugu haboon ee uu is casili karo waxaana uu yidhi.  “Isaga ayaa soo jeediyey Gudoomiyuhu in uu ka tago meesha markaa wuxuu yidhi goorma ayey idinla tahay inaan ka tago xilka anaguna waxaanu ku nidhi sida ugu dhakhsaha badan Is-tiqaalada u dhiib isaguna wuu aqbalay kolkaa beri ayaa lagu heshiiyey in uu iscasikaada dhiibo.”

Dhinaca kale Gudoomiyaha maanta Kursiga macasalaamaynaya ayaa la hadlay saxaafadda isaga oo aan si rasmi ah ugu dhawaaqin is-casilaadiisa si wayna looga dheehanayo farxad siyaasadeed oo ka muuqata una dhigan go’aanka dubaha loogu dhuftay ee uu mudada ku gal galanayey waxaana uu yidhi isaga oo kor xaadinaya u jeedada fadhiga xiisaha leh ee maanta. “Berito waxaan iskugu yeedhay Mudanayasha golaha Wakiilada si aan u siiyo war bixin dhamaystiran Saxaafaduna marar badan ayey su’aallo i waydiisoo aan Jawaabteeda uun siiyey hadda.”
” Golaha Wakiilada ayaan ka hor sheegi doonaa Su’aashaana waan ka jawaabi doono.” Ayuu yidhi Cabdiraxman Cirro oo ka gaabsaday inuu afkiisa si hordhac ah is-casilaad kaga dhawaaqo

Dhinaca kale hirdan culus ayaa ka dhex bilaami doona mudanayaasha golaha Wakiilada waxaana dagaal aan yarayni ka dhici doonaa hanashada kuraasta shir gudoonka golaha wakiilada waxaana kursiga Gudoomiyaha ku hirdami doona laba mudane oo u kala safan xisbiyada Kulmiye Waddani.

Warar hordhac ah oo Wargeyska Sahan helayo ayaa sheegaya in xisbiga Kulmiye wato Baashe Maxamed Faarax halka xisbiga Waddani isaguna dabada ka riixayo Cabdiraxman Talyanle labada mudane ayaa isku beel ka soo jeeda halka la sheegayo in uu Saleebaan Cali Koore tanaasulay oo markii hore tartan culus ugu jiray booskaasi.

Dad badan ayaa u dheg taagaya Saaka qudbada sanadaha badan gaa gaxsanayd ee Cabdiraxman Cirro oo uu ugu danbayn ku dhiiraday go’aankeeda si wayna loogu falaqaynayo suuqa siyaasadda bal arimaha uu 12-sano ka dib ku sagootinayo mudanayaashii uu horjoogaha u ahaa Cabdiraxman Cirro.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here