WAR DEG DEG AH:Xildhibaannada Golaha Wakiillada Oo Codka Kalsoonida U Qaaday Cirro+Gudoomiyaha Oo Macal Salaameeyay

0
532

Guddoomiyihii Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa Saaka si rasmi ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada hortooda ugaga dhawaaqay inuu iska casilay Guddoomiye-nimadii Wakiillada, 12 Sannadood oo uu Xilkaasi hayey ka dib.

Guddoomiye Cirro oo Khudbad dheer u jeediyey Xildhibaannada Golaha Wakiillada oo Maanta fadhi aan Caadi ahayn, ayaa gebogabadii Khudbaddiisa ku sheegay inuu iska Casilay Xilka Guddoomiye-nimada Wakiillada oo uu soo hayey 12kii Sannadood ee u dambeeyay.

Iscasilaadda Guddoomiye Cirro, ayaa Mudaneyaasha Cod Gacan taag ah ku ogolaadeen.

71 Xildhibaan oo ka soo Xaadiray Fadhigan oo uu Guddoomiye Cirro Shir-Guddoominayey, ayaa 70 ka mid ahi ogolaadeen Iscasilaaddiisa, ma jirin Cid diidday ama Cid ka aamustay, halka Guddoomiyuhuna aanu ka codaynin.

Waxa loo ballamay in Axadda Toddobaadka soo socda la doorto Shir-guddoonku cusub haddii Alle yidhaahdo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here