Saddex Sarkaal Oo Ku Dhintay Diyaarad Ku Bur burtay Garoonka Jabuuti

0
515

Saddex sarkaal oo ka tirsnaa militariga dalka Jabuuti ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen diyaarad kuwa ciidamada ah oo ku bur burtay meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha Jabuuti.

Diyaarada ayaa la sheegay subaxnimadii hore ee saakay markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha Jabuuti markiiba ku dhacday meel aan wax badan ka fogeyn garoonka.

Saraakiisha dhimatay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Col Ibraahim Cabdullaahi Geelle oo la sheegay in ku dhawaad 40 sano ahaa duuliye diyaaradaha yar yar oo kuwa militariga ah iyo labo gabdhood oo magacyadooda lagu kala sheegay Hodan Axmed Yuuf iyo Ilhaan Maxamed Ibraahim oo labaduba la sheegay in loo wada

War-saxaafadeed ka soo baxay militariga dalka Jabuuti ayaa lagu sheegay in sababta keentay bur burka diyaarada ay tahay cilid farsamo oo la soo darista diyaarada, waxaana la sheegay in diyaaradan ay adeeg faro badan u heysay ciidamada qalabka sida ee Jabuuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here