Murashax Cirro Oo U Sacabo Tumay Xulufo Qoorta Ku Sidata Koortii Guuldarrada Iyo Rakaabkii Haadaanta Ka Tuurey Riyaale Oo Dhexda U Xidhay Inay Qasriga Weydaariyaan CIRRO

0
485

Siyaasiyiin la aaminsan yahay in ay sabab u ahaayeen in Madaxweynihii hore daahir  Riyaale calafsan inuu mar kale qasriga qabsado ayaa durbaanadii guuldarada ka dhex garaacay xisbiga waddani ku waas oo ku biiristoodu fasiraado badan sabab u noqotay.

Wasiirkii hore ee Arimaha gudaha Somaliland Ee xukuumadii Rayaale Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa shaaca ka qaaday in uu ka daba tagi doono saaxiibadiisii horseeday guul-daradii Rayaale iyo bur burkii xisbiga UDUB isla markaana uu ku biirayo xisbi Mucaaradeedka Waddani oo xubnihii ugu badnaa ee Dawladii Rayaale ay ku biireen.

Cabdilaahi Cirro mudo badan oo uu siyaasadda ka maqnaa waxa uu sheegay in markii uu sameeyey dhaq dhaqaaq badan oo dhinaca siyaasadda ah uu go’aansaday ku biirista xisbiga Waddani waxaana uu yidhi.“Sidaan horaba u sheegay in badan ayaan joogay magaalada waayo arag ayaan ahay siyaasadda in badan ayaan ku soo jiray aqoon badan ayaan leeyahay markii aan dhinac kasta eegay markaan dhinac walba xuuraamay go’aankayga waxaan ku qaatay inaan xisbigaa mucaaradka ah ee Waddani ku biiro kaasi oo aan u arkay in bad baadada dalku ku jirto.”

Cabdilaahi Ciro waxa su’aall laga waydiiyey sababta ay xisbiga Waddani ugu yaacayaan siyaasiyiinta ay Murashax Muuse Biixi isku haybta iyo deegaanka yihiin waxaana uu sheegay sababtaasi waxaana uu

yidhi. “Waxaan u arkaa in ragaas aniga uun ila mid yihiin oo badbaadad Somaliland ay xisbigaas u arkaan xisbiyada waxa loo furay qaranka badbaadadiisa qof kastaa halka uu jecel yahay in uu galo.”

Sidoo kale Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Somaliland isaga oo is gaabinaya waxa uu ka hadlay hada cida uu u arko in uu noqonayo Madaxweynaha Somaliland waxaana uu yidhi. “Kulmiye waa xisbi qaran waana dhan tahay hawshiisu mana doonayo inaan ka hadlo balse cidii xukunku ku dhaco ee ILLAAHAY umadan kala xisaab Tamayo una calfo ayaa noqonaya Madaxweynaha Somaliland.”

Saaxiibadii Guuldarada Rayaale horseedka u ahaa isla markaana hogaaminayey siyaasadii uu saaxada kaga baxay xisbigii UDUB ayaa wakhtigan dabka u shidaya xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani taasi oo dad badan ku falan qaynayaan horseedka iyo hormuudka guuldarada xisbiga Waddani iyo Murashax Cirro. Siyaasiyiintan hormada ah ee murashaxa waddani durbaanka u garaacay ayaa kala ah siyaasi ismaaciil yare. Siyaasi cabdilaahi cirro, siyaasi siciid sulub. Iyo xulufo madaxtooyada weydaariyey daahir riyaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here