Xildhibaan Saleebaan Cali Koore, Miyuu Ka Hadhay Tartankii Uu Ugu Jiray Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada ?

0
541

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ugu jira Xisbul-xaakimka KULMIYE isla-markaana ka mid ah Xubnaha loolanka ugu jira Guddoomiye-nimada Golahaasi ee Shalay Cirro banneeyay, ayaa beeniyey inuu ka tanaasulay Tartankii uu ugu jiray Xilkaasi.

Xildhibaan Koore oo Shalay markii Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro iska Casilay Guddoomiye-nimadii Golaha Wakiillada ay Saxaafaddu waydiisay waxa ka jira inuu ka hadhay Loolankii uu ugu jiray buuxinta jagada uu Cirro banneeyay, ayaa ku jawaabay “Meel aan ku idhi waan ka tanaasulay kursigaa ma jirto, waxaanan kaga hadli doonaa meesheeda iyo wakhtigeeda, si Cid badan wax u iftiimin doonta ayaan uga hadli doonaa. Musharrax-baan ahay, waanan tartamayaa, meel aan kaga tanaasulayna ma jirto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu farriin u diray taageerayaashiisa “Dadka I taageera iyo kuwa Hantida, kharashka iyo Ficilka ila daba joogay waxaan leeyahay ha deg-degina Warka waynu kala helaynaaye”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here