Sicir-bararka Dollarka Oo Maseeyay Somaliland Iyo Puntland, Mudaharaad Ka Dhacay Boosaaso Markii La Diiday Shillin Soomaaliga & Dekeddii Oo La Xidhay

0
528

Xarunta Ganacsiga ee Puntland waxa subaxnimada Arbacada ee Shalay ka dhacay Mudaharaad ay ka qayb-qaateen qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso

Sababta mudaaharaadka dhalisay ayaa ah, kadib markii laga diidey magaalada in wax lagu iibsado lacagta Shillin Soomaaliga ah.

Dadka mudaharaadka ka qayb-qaadanaayey ayaa si nabad ah ku marey qaar ka mid ah dariiqyada, waxaanay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid tahay “Doollar maaha lacagteena, dooni mayno dhiig-miirad’ iyo erayo kale oo ay kaga soo horjeedaan dhibaatada haysata shacabka.

Mid ka mid ah dadka mudaaharaadka ka qayb-qaadanaayey oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Dowladdu ay lacagihii laga diidey Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Hiiraan, Mudug iyo meelo ku xanibi weydey xuduudaha isla-markaana ay iska ilaalinayso Dawladdu inay Qasnaddeeda gasho Lacagtaasi oo loo mallaynayo inay tahay Lacag Been Abuur ah, hasa-ahaatee ay Lacagtaasi ayaa ku dhacdey gacanta sarriflayaasha kadibna ay ku dhex khaldeen lacagtii Saxda ahayd ee Dalka taaley, taas oo gacanta u gashey shacabka magaalada, kadib waxaa dhacdey in waxba lagaga iibin waayo “Dadku waxay ka cabanayaan iyaga oo lacag haysta in ay ka gaajeysan yihiin” ayuu yidhi, qofka Saxaafadda u warramay Lacagta Soomaaliga ayaa si weyn u qiime beeshay, Dollarka ayaa sarifkiisu gaadhey heer aad u sareeya oo aan fadhiyin, taas oo keentey in maceeshada darruuriga ah ay kor u kacdo.

Waxa magaalada lagu soo daadiyey ciidamo faro-badan oo watta gaadiidka nooca dagaalka ah, kuwaasi oo kala eryey shacabkii dhigayey dibadbaxa.

Sidoo kale,  Guud ahaan dhaq-dhaqaaqa  gaadiidka, ganacsiga Boosaaso iyo dadka ayaa la xidhay, iyadoo sidoo kalena hakad la geliyey shaqadii Dekadda magaalada Boosaaso, kadib markii ay shaqo joojin sameeyeen gaadiidleyda iyo  garab raratadii alaabta ka daabuli jiray dekadda iyagoo ka cabanaya diidmada lacagta shillin Soomaaliga ah.

Dhibaatada Dhanka Sarrifka ee ka taagan Deegaannada Puntland iyo Gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ah mid ka jira Gobollada Somaliland.

Qiimaha Boqolka Dollar lagu kala sarrifanayo Suuqyada Somaliland ayaa ku dhow Hal Milyan oo Shilinka Somaliland, taasi oo muujinaysa Heerka uu Sarrifka Dollarku gaadhay isla-markaana uu Shilinka Somaliland u qiimo-beelay.

Sarrifka Dollarka ayaa saamayn muuqata oo aad u weyn ku leh Qiimaha Maceeshadda Daruuriga, maaddaama oo Shay kasta oo Suuqa lagu iibiyo lagu qiimaynayo Dollar marka uu Qofku sito Lacagta Shilinka Somaliland, taasina waxay dhibaato nololeed oo adag gelisay Guud ahaan Shacabka Somaliland, gaar ahaan Qoysaska Danyarta ah ee ku Nool Mushaharka Dawladda iyo waxa uga soo baxa Hawlaha ay Maalintii qabtaan, sida Xamaalka, Shaaha, Cuntada iyo wixii kale ee la mid ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here