Faysal Cali Waraabe Oo Dhayda Ka Cadeeyey Halka Uu Ka Soo Cugan Doono Murashaxa Ku Xigeenka U Noqonaya

0
450

Murashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa markii u horaysay shaaca ka qaaday deegaanka uu ka soo xulan doono Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka iyo shaqooyinka uu u dhiibi doono.

Faysal Cali Waraabe sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday in ay suurta gal tahay in uu la soo baxo xubinta kaga jirta Komishanka doorashooyinka Somaliland waxaana xubnaha gudida Doorashooyinka uu ku eedeeyey jilicsanaan iyo in aanay kala saari Karin xisbiyada Qaranka.

Murashax Faysal Cali Waraabe ugu horayn waxa uu ganafka ku dhuftay hanaanka Komishanka Doorashooyinku u shaqeeyaan isaga oo ku eedeeyey in aanay ku shaqayn Karin awoodii ay lahaayeen waxaana uu yidhi. “Ilama aha Komishankani mar hadaanay nidaamkii iyo awoodii aanu u saxeexnay aanay ku shaqaynayn oo ay socod siin waayeen in ay na kala saarayaan u malayn mayno waxaan doonaynaa in aan dib u eegno Komishanka iyo qaabka loo sameeyey anigu waxaan ka fekerayaa xubin ayaan soo magacee xubintaydii inaan kala baxo iyo in kale ayaan ka fekerayaa wax loo adkaysan karo maaha sida ay u shaqaynayaan.”

Sidoo kale Faysal Cali Waraabe ayaa markii u horaysay isaga oo Ceerigaabo ku sugan waxa uu shaaca ka qaaday deegaanka u ka soo xulan doono murashaxa Madaxweyne ku xigeenka waxaana uu yidhi. “Waxaan idiinku bushaaraynayaa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Ucid in uu ka imanayo gobolada Bariga oo uu waliba ka imanayo gobolka Sanaag markaa dalkii ayaad wax ku yeelateen hadaad tihiin reer Sanaag Madaxweyne ku xigeenka soo socda ee Madaxtooyada fadhiisan doona halkaas ayuu iman doonaa.”

Sidoo kale Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Madaxweyne ku xigeenka uu soo xulan doonaa aanu noqon doonin mid iska fadhiya oo saxeexiisu aanu socon balse uu u dhiibi dhamaan shaqooyinka qaranka marka laga reebo arimaha difaaca iyo arimaha dibada waxaana uu yidhi. “Aniga Madaxweyne ku xigeenkaygu noqon maayo miis iska madhan shaqada oo dhan isaga ayaan u dhiibaynaa arimaha dibada iyo arimaha difaaca mooye inta kale oo dhan isaga ayaa masuul ka noqon doona Insha Allahu tacaala markaa Bushaaradaas ayaan idiin hayaa.”Ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here