Mukhtaar Rooobow Oo Xalay Muqdisho Ka Soo Deygay Iyo Kulamo Uula Qaadanayo Masuuliyiinta Somaliya Oo Bari dhacaya

0
530

Waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo degtay diyaarad siday Sheekh Mukhtaar Rooboow  Cali Abuu Mansuur oo ka soo duushay degmada Xuddur.

Mukhtaar Rooboow ayaa la sheegay in ay socdaalkiisan ay ku wehlinayaan wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya C/rashiid Cabdullaahi Maxamed  iyo saraakiil ka tirsan hay’adda nabad-sugida Qaranka oo ka soo qaaday degmada Xuddur kaddib wada hadal dhaxmaray Wadaadka iyo mas’uuliyiinta dowladda.

Abuu Mansuur oo ka goostay Al-shabaab ayaa saakay isku dhiibay maamulka Koonfur galbeed ee degmada Xuddur, kaddib weerar ba’an oo uu kala kulmay xoogagga Al-shabaab, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay kulamo dhaxmaraan mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda iyo Mukhtaar Rooboow oo mar soo noqday ku-xigeenka Amiirka Al-shabaab.

Amaanka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyay ka hor inta aysan soo gaarin diyaarada sidday Abuu-Mansuur.

Dowladda Mareykanka ayaa horaantii sanadkan shaacisay in Mukhtaar Rooboow laga saaray liiska wax loogu yeero argagixisada, waxaana madaxiisa dul saarnaa oo lagu doon doonayay lacag dhan $5 Million oo doolar.

News

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here