Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan Oo Kulamo Gooni Gooni Ah Layeeshay Bulshadda Gobolka Awdal

0
599

Wararka Ka Imanaya Magaalada Borama Ee Xarunta Gobolka Awdal ayaa Sheegaya in Xaraarada Siyaasadeed Ee Gobolku Marayso Meel Xasaasi ah Islamarkaana Siyaasiinta ka Soo Jeeda Gobolada Galbeedka Somaliland Ayaa Siweyn Ugu Hawlan Yihiin Kulanada Kala Duwan Ee Bulushada Qaybaheeda Kala Duwan Ay La Yeelanayaan.

waxaa maalmihii ugu dambeeyey siweyn looga dareemayey hotelada kala duwan ee Boorama shirarka aan kala go’a lahayn iyo  kulan doceedyada uu siyaasi Cabdiashiid Xasan Mataan la yeelanayey salaadiinta cuqaasha, siyaasiinta dhalinyarada iyo aqoonyahanka gobolada galbeedka somaliland.

siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa dhawaan iska casilay xilkii iyo xubinimadii xisbiga mucaaridka ee waddani inkastoo uuna sheegin halka uu siyaasadiisu ay

iskugu biya shuban doonto hase ahaatee waxaan la dhayal san karin dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed ee uu ka wado xarunta gobolka awdal.

ila wareedyo xog ogaal ah oo ka ag dhaw dhaw siyaasi c/rashiid xasan mataan ayaa Hadhwanaagnews u sheegay in kulanadiisani kala go’a lahayn ay ujeedkoodu yahay wada tashi iyo is xogwaraysi. islamarkaana  taageerayaashiisa iskula meel dhigi lahaa halka uu salka dhiganayo.

isku soo wada duuboo siyaasi c/rashiid  ayaa shacbiyad badan ku leh deegaanada kala duwan ee Somaliland waxaase laga wada warsugi doonaa halka uu u jiheeyo taageerayashiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here