Murrashax Cirro Oo Hadhcad Burush U Qaatay Wadadii Ceerigaabo Iyo Libin Uu Madaxweyne Siilaanyo Lahaa Oo Uu Inkiray

0
595

Murashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa burush ku tirtiraya wax qabadkii iyo dariiqyadii horumarka ee Madaxweyne Siilaanyo jeexay inta uu talada qaranka waday isla markaana uu taariikhda Somalida safka hore kaga galay.

Cabdiraxman Cirro libinta iyo waxqabadka wadada Ceerigaabo oo Madaxweyne Siilaanyo riyadiisa ahayd tan iyo intii uu siyaasadda galay isla markaana uu golihi Wasiirada Siyaad Barre kaga dhex doodi jiray yagleelida ama in dawlada Siyaad Barre dhisto.

Riyadaasi oo rumowday markii Madaxweyne Siilaanyo Talada wadanka qabtay ayaa waxa Murashaxa Waddani uu ceerigaabo ka shegay in wadadaasi uu bilaabay Xirsi Cali isaguna uu dhamaystiri doono isagoo Cabdiraxman Cirro ka mid ahaa ragii sida wayn uga soo horjeeday dhismaha wadada Ceerigaano markii Madaxweyne Siilaanyo bilaabay dhismaheeda ee la ururinayey qaadhaanka wadada.

Cabdiraxman Cirro o hadhcad ceerigaabo ku xaqiray waxqabadka Madaxweynaha ayaa waxa uu yidhi.  “Waxaan balan qaadaynaa reer Sanaag In wadadii Xirsi bilaabay aanu dhamaystirno waana lays tirinayaa.” Ayuu yidhi Cabdiraxman Cirro.

Hadalkaasi oo dadku si wayn u falanqeeyeen ayaa waxa uu damcay in uu waxqabadka Madaxweynaha baabiiyo waxaana marag ma doon ah in wadadii Ceerigaabo gunaanad ku dhaw dahay isla markaana dhismaheedu ku dhow yahay magaalada Ceerigaabo oo Cabdiraxman Cirro u sahashay in uu Laascaanood iyo Ceerigaabo u kala socdo mudo ka yar 4 saacadood.

Tir Tirka Murashaxa Waddani ku samaynayo taariikhda Madaxweynaha ee waxqabadkii uu hirgaliyey mudada todobada sano ah oo Wadada Ceerigaabo kaalinta hore kaga jirto ayaa ah talo aan siyaasad bisayl ku dhisnayn isaga oo ka dul botorinaya Fagaare Jifadiisu taagan tahay.

Miisaaniyada lagu dhisay wadada Ceerigaabo waxa qayb ka ahaa Mushaharka Madaxweynaha ka wasiirada lacago laga ururiyey shaqaalada dawlada. Xildhibaanada Baarlamaanka Qurba-joogta Ardayda wadanka iyo lacago kale oo miisaaniyada looga saaray waxaana guud ahaan fikirkaasi iyo amarkeeda lahaa Madaxweynaha Somaliland  oo dariiqa Ceerigaabo taariikhdeeda ku suntan balse Kooxda Waddani u aqoonsadeen wado uu Xirsi hirgaliyey oo xirsi faan ka dhigay baylah uu qabyadeeda dhexda uxidhay wasiirka hawlha guud cali mareexaan oo si xawliya udhaqaajiyey isagoo aan faan ka dhigan wadadii hamiga madaxweynaha ahayd wuxuuna ay imika kaabiga usaaran tahay ceerigaabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here