Wasaaradda Ciyaaraha Oo Sabab U Noqotay In Gebi Ahaanba La Kala Diro Kooxda Kubadda Kollayga Ee Ciidanka Asluubta JSL

0
383

Waxa Gebi ahaanba la kala diray kooxda kubadda Kolleyga ee ku ciyaarta magaca ciidanka Asluubta. Sida uu sheegay labada tabobare ee kooxda Axmed Maxamed Yuusuf (Baande) iyo Cabdikariin karo Xariir, taliyaha ciidanka Asluubta, sareeye guuto Xudhuun ayaa ku wargeliyay kooxdaasi inaanay ka tirsanaan doonin amaba ku ciyaari doonin magaca ciidanka asluubta.

Taliye xudhuun waxa uu kaladirista kooxda sabab uga dhigay, maadaama aanu jirin wax tartanno ciyaaro ah, oo kooxdu ka qaybgashay muddo saddex sanno ah, “ciidan asluubta intii aan joogay xerada wax tartan ah looma qaban kooxda kubadda koleyga ee ku ciyaarta magaca ciidanka asluubta, markaa maxay meesha iiga qabanayaan, ciidan Ayaan ka dhiganayaa.” Sidaasi ayuu Taliye xudhuun yidhi,

Kooxda Ciidanka asluubta oo ahaa koox ciyaartoy ahaan dhisan, isla markaana kamid ahayd kooxihii ugu adkaa dhinaca kubadda Kolleyga waxay ku guulaysteen koobab tartanno iyo kuwo munaasibado ahba oo hal ciyaar ah isugu jiray.

Haddaba Maxaa Keenay In Koox Dhan Oo Dhisan La Kala Diro.

Doorkii wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha oo meesha ka baxay ayaa sabab u noqday in kooxdii kubadda kollayga ee ciidanka asluubta la kala diro, sida uu taliyaha ciidanka Asluubtu ku doodayna ee uu ku wargeliyay ciyaartoyada kooxdaasi, waa mid ku tusaysa fadhiidnimada wasaaradda Ciyaaraha oo ay meesha ka baxday ciyaarihii iyo tartannadii la qaban jiray muddo saddex sanno ku siman. Waxa sidoo kale barbar socda dayactir la’aan ka jirta gegida kubadda Kollayga hargeysa oo lafdhabar u ah ciyaaraha kubadda Kollayga, maadama aanu caasimada ka dhisnayn garoon kale oo lagu qabto ciyaaraha kubadda Kollayga, taasina ay masuuliyadeeda leedahay wasaaradda ciyaaraha oo ka fadhiisatay hawlaha garoonkaasi ka dhiman wakhti xaadirkan ee hadday tahay dayactir dhinaca riimanka amaba sibidhka ciyaartoydu ku ciyaarto, kuwaasi ooh ore loogu daray budjed-ta maaliyada ee lagu dayactiri lahaa garoonka Timacadde, ilaa iyo immikana aanay jirin cid fulisa maadaama wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aaadan ballanqaaday sheegtayna inay u diyaarisay dhammaan kharashaadkii ku bixi lahaa hagaajinta garoonka Timacadde oo uu ugu horeeyo in la dedo garoonkaasi. Waxa se nasiibdarro noqotay inaanay jirin cid lacagtaasi ay wasiirradu ku aaminto oo si toos ah ugu hawlgasha garoonkaasi, iyadoo ay wasaaraddu meesha marayso, wallow hore loogu dhiibay lacag loogu talogalay in wax lagaga qabto garoonka Timacadde oo ay lunsatay wasaaraddu, taasina keentay in lagu aamini waayo adduun lacageed oo kale.

Si kasta, waxa aan loo baahnayn in Taliyuhu laftiisu ku degdego kala dirista kooxda, maadaama kooxdu tahay mid dhisan oo heerka koowaad ah, isla markaana aanay kooxdu iyadu awood u lahayn qabashada tartan ciyaareed, ee ay tahay inuu toos ugu canaanto wasaaradda ku shaqada leh inta awooddiisa ah, waayo Wasaaradda ciyaaraha ayay iyadu tahay waajibkeeda mida u xilsaaran ee laga doonayo inay tartanno isdaba joog ah oo ciyaaraha ah dalka ka qabato.

Taariikhda kooxda kubadda Kolleyga ee ciidanka Asluubta

Kooxda kubadda kolayga ee ciidanka Asluubta ayaa la aasaasay sanadkii 10/05/2010, isla wakhtigaas Waxay tartankii ugu horeeyay ciyaartii Final-ka isaga horyimaadeen kooxda Gaashaan oo ahayd kooxdii kali ahayd ee ka qaramaysnayd kubadda koleyga, halkaasi oo ay kooxda Asluubtu kabaha la dulmartay dhigooda Gaashaan, sidaasna waxay  kooxda Asluubtu ku noqotay horyaalka cup-kaas. Waxa wakhtigaas ciidanka asluubta haystay taliye Xiirane oo isagu usoo taagnaa koobkii ay kooxda asluubtu ku guulasyatay. Guushaasi oo noqotay tii kooxda lagu qaatay inay ku ciyaarto magaca ciidanka asluubta oo lagu qarameeyay. Kooxda kubadda kolayga ee ciidanka asluubta waxay bilaa mushaar ku ciyaari jirtay intii u dhaxaysay 10/05/2010 oo ahayd markii la aasaasay kooxda ilaa 14/12/10, oo mushaarka loo qoray iyadoo laga siin jiray qasnada.

Sida uu Taliye Xudhuun sheegay kooxdan oo ah kooxda ugu ciyaartow fiican labadii tartan ee ciyaarahii gobollada Dalka ka qabsoomay waxa ciyaartowgii ugu fiicnaa qaatay ciyaaryahanka layidhaa Calooley, halka gool-dhalintiina uu qaatay ciyaaryahanka Axmed Cumar, halka tabobarihii ugu fiicnaana uu noqday, Karo Xariir.

Tartankii labaad ee ciyaarihii gobollada dalka waxay kooxda Asluubtu kasoo hoysay bilado ay kamid yihiin, ciyaartoygii ugu fiicnaa oo kooxdaasi ciyaaryahanka layidhaa Cawil china u qaaday.

Waxa xusid mudan Laba koob oo ay kooxda ciidanka asluubtu soo hoysay, kuwaasi oo kala ahaa; tartan loo qabtay xuska 18 May iyo tartan kale oo isna loo qabtay maalinta nabada (International Peace Day) oo ay kooxdu ku guulaysatay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here