Gabadh Itoobiyaana Oo Warkeedu Qabsaday Caalamka Oo Dalkeeda Dib Ugu Laabatay Shalay

0
448

Gabadha shaqaale ahayd oo u dhalatay dalka Itoobiya, oo 4 bilood ka hor lagu soo tuuray guri fooq, dalka Kuweyt ayaa Shalay ku soo laabatay dalkeedii hooyo, markii muddo dalkaasi lagu daweynayay.

Gabadhan oo magaceeda la yidhaahdo Adesech, ayuu warkeedani qabsaday, cinwaannada warbaahinta caalamka.

Gabadhan shaqaalaha oo ka lulata daaqad dacalkeeda, isla-markaana gacanta soo fidinaysa si loo bad-baadiyo, ayaa laga daawaday muuqaalo fiidyow ah oo ay isla waqtigaasi ka duubeysay, gabadh Kuweytiyad ah oo ay u shaqaynaysay.

Dhacdadan oo ka dhacday meesha la yidhaahdo Sebaha elselaam, ayaa Warbaahinta dalkaasi sheegtay in la xidhay gabadhii ay u shaqaynaysay, iyadoo lagu eedeeyay inay gacan siin weyday Edesech, markii ay ka dhacaysay fooqa.  Waxaana la sheegay inay gabadhan reer Kuweyd ay isku difaacday in aanay meesha iyadu ka tuurin oo ay iyadu dhibantu isdilaysay.

Dhacdadan ayaa dunida oo dhan si baahsan loo cambaareeyay, markii la daawaday muuqaal 18 ilbidhiqsi socday, oo ay miskiintani baryaysay inay bad-baadiso markii ay gabadhan ay u shaqaynaysay ay muuqaalkan ka duubaysay.

Adesech oo markii ay kasoo dhacday heshay gurmad deg-deg ah, ayaa loola cararay Cusbitaalka iyadoo oo sanka iyo dhagahaba dhiig ka socdo. Waxaanay markii ay  koomada kasoo baxday ka warrantay siday wax u dhaceen. Waxaanay mar kale iyadoo u warramaysa Tv dalka Itoobiya  ay tidhi “Is maan dilaynin anigu, balse waxaan ka baxsanayay gabadhan aan u shaqeeyo, oo doonayso inay I disho”

Dalalka khaliijka ayaa kumanaan dumarka guryaha ka shaqeeya, sannad walba uga shaqo tagaan Dalalka Afrika iyo Asiya, laakiin Gabdhahaasi ayay intooda badani, ka cawdaan in loo geysto, tacaddi ka baxsan bini’aadamnida.

Dalka Itoobiya ayaana kamid ah, dalka ugu badan ee ay wadamadaasi ka qaataan dumarkan shaqaalah ah

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here