K/Afrika: Dad Cuna Hilibka Dadka Oo La Qabtay, Waxa Lagu Aqoonsaday Iyo Cabsida Shacabka

0
454

Afar nin oo Orgobeyaal Hilibka Dadka Cuna ayaa Booliiska Dalka Koonfur Afrika ay Xabsiga u taxaabeen.

Markii la waydiiyay Raggaasi sida ay dadka u cunaan ayaa mid ka mid ah waxa u soo saaray qayb ka mid ah lug iyo gacan bini-aadam.

Ciidamada Booliiska oo uu weheliyo Ninkii dad cunka ahaa ayaa galay guri ku yaalla Xaafadda KwaZulu Natal halkaasi oo ay ka heleen qaybo kale oo xubno bini-aaadam ah

Guud ahaan Afar nin oo laba ka mid ahi ay yihiin kuwa dadka ku daweeya dawo dhaqmeedka ayaa falkan dad cunka ay u xidheen Booliiska, waxaana lagu eedeeyay dil iyo shirqoolo dhagareed, ka dib markii markii la hor-geeyay Maxkamad ku taalla Woqooyiga magaalada Darban.

Booliiska ayaa tibaaxay in Afarta nin ay suurto gal tahay in ay ka mid yihiin koox badan oo shabakad dad qalato ah.

Wali baadhitaano ayaa socda, Booliiskuna waxay sheegayaan in Raggan dadkii ay qaraabada ahaayeen diideen in ay ka soo xaadiraan Maxkamadda.

Khuburo xagga baadhista jidhka aadamaha ku xeel-dheer ayaa sheegaya in aanay kala cadayn hada xubnaha jidhka Aadama ah la hayo in ay hal qof tahay iyo in ay dad badan yihiin.

Si kasta ha ahaatee, bishii hore ayaa magaalada Darban waxa nin kale lagu qabtay haysashada madax Qof bini-aadam.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here