Xukuumadda Oo Cisbitaal Dibadeed U Diraysa Xildhibaan Xaaji Cabdi-Waraabe Oo Xaalad Caafimaad U Jiifa Hargeysa

0
400

– Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Shalay Cisbitaalka International ku booqday Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo Xanuunsanaya.

Madaxweyne ku-xigeenka oo ay la socdeen Masuuliyiin ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa Xaajiga ka wareystay Xaaladdiisa Caafimaad, iyagoo markaa ka dibna Alle (SW) uga baryey inuu caafimaad taamaha siiyo kana dulqaado xanuunka.

Madaxweyne ku-xigeenku intii uu ku sugnaa Cisbitaalka wuxuu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay Xaaji Cabdi Waraabe u diri Doonto Dalka Imaaradka Carabta si loogu soo daweeyo.

Markaasi ka dib, waxa Xukuumadda iyo shacbiga Somalilandba u Mahad-naqay  Qoyska Xaaji Cabdi-waraabe oo Madaxweynaha, madaxwayne ku-xigeenka iyo guud ahaan Xukuumada Somaliland ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jiraan ogaanshaha iyo ka war haynta xaaladda xaajiga.

Xaaji Cabdi Waraabe ayaa Maalmihii u dambeeyay Xaalad Caafimaad u jiifay Cisbitaalka International ee Magaalada Hargeysa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here