Buuhoodle Oo Laga Taagay Calankii Cali Khaliif Caydhiyey Buluuga Ahaa Iyo Ergo Xamar Laga Soo Diray Oo Dabka Ku Sii Shidaysa Colaada Buuhoodle Ka Taagan

0
363

Magaalada Buuhoodle waxa soo gaadhay koox calanka Xamar dusha ku huwanayd oo ka socday Somaliya isla markaana isku magacaabay inay yihiin ergo nabadayn ah oo dhex dhexaadinaya beelihii ku dagaalamay magaalada Buuhoodle oo Somaliland ka tirsan waxaana garoonka magaaladaasi ku soo dhaweeyey koox uu horkacayo Garaad jaamac Garaad Ismaaciil.

Calanka Somaliya ayaa laga taagay garoonka Buuhoodle iyada oo hore kooxda Khaatumo xidhiidhka ugu jartay Dawlada Somaliya iyo calankeedaba isla markaana magaalada uu ka dhex babanayo calanka Somaliland balse kooxdan sheegay inay nabada dhisayaan beelahana heshiisanayaan ayaa tahli kari waayey inay xasiliyaan ama xaliyaan colaada Nus qarniga inta ka badan ka taagan wadanka Somaliya gaar ahaan Xamar.

Ugu horayn Garaad ku hayey magaca ergada Xamar ka socota ee Buuhoodle nabada ka hirgalinaya ayaa waxa uu sheegay in shaqadoodu tahay inay Qadiyada meesha baabiiyaan waxaana uu yidhi. “Qadiyadan ka dhacday meesha sidii caadadu noo ahaydba marka beeluhu isku dhacaan inaanu u nimaadno oo kala dhex galno tii uunbaan u soconay waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa gurmadka quruxda badan ee ay walaalahood kala bad baadiyeen ee ay ku kala dhex jiraan anaguna waanu soo gadhnay iyagana waan u mahad celinaynaa waxaanu ugu mahad celinaynaa wax waa dhacaan sida fudud ee ay dadka u maqleen ee ay wax u kala durkiyeen waa intaas oo lagala sii dhawaado.”

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo isaguna hogaaminayey kooxda Madaarka ku soo dhawaysay Ergadan calanka Somaliya Buuhoodle ka taagtay waxaana uu sheegay in Ergado ka soo jeedaan Gobolada Soon Sanaag iyo Cayn oo ka dhigan inay ka kooban yihiin beelaha Dhul-bahante balse imaan shahooda siyaasad ku lamaan tahay. “wefti balaadhan oo salaadiin ah oo Salaadiintii Sool Sanaag iyo Cayn ah oo sidii aad arkayseenba Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe iyo Cabdisalaan Xasan iyo haldoorka kale ee halkan jooga waxaan idinku soo dhawaynaynaa gobolka Cayn hadaanu nahay culumadii iyo wax garadkii waanu idin soo dhawaynaynaa” Ayuu yidhi Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here