Xukuumadda Somaliland Oo Shaaciyey In Dp World Ka Gaabisay Hirgalinta Heshiiskii Madaxweynuhu Saxeexay Iyo Digniin Loo Diray Siyaasiyiin Xamar U Xilal U Doontay

0
428

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa markii ugu horaysay qiray in Dekeda Berbera Shaqadeedii gaabis ku jiro isla markaana maamulka Shirkada Dp World ay ka daaheen fulinta arimihii ay xukuumadu kula heshisay oo ay ugu horeeyaan balaadhinta iyo casriyeynta dekeda Berbera.

Wasiir Sacad Cali Shire waxa uu sheegay in wefti ama masuuliyiin culus oo ka socda Shirkada Dp World ay dalka si deg deg ah u yimaadeen isla markaana xukuumadu ay kala hadli doonto sababta dib u dhaca iyo daaha keenay waxaana uu cabashooyinka ganacsatada dusha u saaray khaladkeeda shirkada Dp World oo maamulkeedu aanu wali dariiqa saxda ah marin.

Wasiir Sacad Cali Shire ugu horayn waxa uu ka hadlay khilaafka cakiran ee dekeda ka jira iyo halka ay marayso xalinta arintaasi waxaana uu yidhi. “Heshiis baynu la galnay Shirkada la yidhaahdo Dp World heshiiskaasi laba waji ayuu lahaa mid wuxuu la xidhiidhay dekeda dhismaheeda qalabaynteeda iyo balaadhinteeda midna wuxuu la xidhiidhay meeshan ay yidhaahdaan Suuqa Xorta ah suuqa xorta ah wali arinkiisu wuu socdaa laakiin dekeda Maamulkeedii waynu ku wareejinay Dekeduna si fiican ayey u socotaa laakiin daah baa jira dib u dhac ayaa runtii ka jira kaasi oo ka yimi xaga maamulka qalabkii loogu talo-galay inuu xiligan yimaado oo lagu xoojin lahaa adeega dekeda taasna dib u dhac ayaa ku yimi laakiin runtii Mushkilada meesha ka taagan oo ah maraakiibtii oo daahaysa inta badan waxa ay ka yimaadaan dhinaca maamulka oo gaabis ku jiro.”

Wasiir Sacad Cali Shire waxa uu sheegay masuuliyiin culus oo shirkada Dp World ka socday ay dalka ku sugan yihiin isla markaana la xalinayo khilaafka jira. “waxaan doonaynaa in si dhakhso ah arinkaa loo saxo hada Wefti balaadhan ayaa ka jooga Shirkada Dp World Berbera oo arinkaa u yimi anaguna wax badan baanu kala hadalnay waanan ku daba galaynaa taana waxaan rajaynaynaa insha allah in la saxo.”

Ugu danbayn Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire waxa uu u duur xulay masuuliyiin wasaaradda masuuliyadeeeda soo maray oo la sheegayo inay xamar u xilal doontteen waxaana uu xukuumada uu ka tirsan yahay u soo jeediyey in talaabo laga qaado nin kasta oo qarankiisa Shilimaad dhaafsada waxaana uu yidhi. “Runtii waan ka xumahay waanan uga digayaa dadka reer Somaliland ee halkan xilka ka hayn jiray ee masuuliyiinta ka ahaan jiray amaba aan ka ahaan jirin ee siistay dalkoodii magacoodii iyo qaran-nimadoodii mansab ama maal siistay runtii aadbaan uga xumahay waana arin aan jeclahay in looga digo haday dhalinyaro tahay iyo haday siyaasiyiin tahayba.” Ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here