Heshiis Dhex Maray Laba Beelood Oo Shaqaaqo Ku Dhexmartay Buuhoodle + Qodobada Lagu Heshiiyay

0
492

Colaaddii labada beelood dhowaan ku dhex martay gudaha magaaladda buuhoodle ee sababtay dhimashada dad gaadhaya tobaneeyo qof iyo dhaawac tiro badan, ayaa laga gaadhay heshiis la kala dhex dhigay labadaasi beelood ee dirirtu dhex martay.

Guddiyo nabadayn ah oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaaladda Buuhoodle oo ku dedaalayey sidii nabad looga dhex dhalin lahaa beelaha walaalaha ah ee colaadu dhex martay, ayaa ku guulaystayu in ay labadaasi beelood heshiis nabadeed kala dhex dhigaan, isla markaana isa soo hor fadhiisiyaan.

Kulan lagu qabtay Magaaladda Buuhoodle oo la isku hor keenay odayaasha labada dhinac ee dagaalamay, ayaa waxa laga soo saaray qodobo lagu xalliyey dagaalkii buuhoodle ka dhacay, waxaanay labada beelood aqbaleen qodobada lagu xalliyey colaaddooda si deegaanka looga dhaliyo nabad waarta beeluhuna si nabad ah u wada dhaqmaan colaaddana joojiyaan.

Caaqil Cabdisamad Cali Xasan Iyo Caaqil Cali  oo kala metelayey labada beelood ee shaqaaqadu dhex martay, waxaanay sheegeen in dagaalkii buuhoodle ka dhacay lagaga heshiiyey qodobo ay ka mid yihiin “In ninkii dila nin Axmed Garaad Ah Dila Uu Qisaas Yahay,  In ninkii qaatilka ahaa ee la soo qabtay ee la siidaayey waxaanu ku xukunay 50 halaad, Waxa laga heshiiyey dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay shaqaaqada buuhoodle” ayaa ka mid ahaa hadalladii cuqaasha beelaha dirirtu dhex martay ee Buuhoodle.

Colaaddan heshiiska nabadeed laga gaadhay ee Buuhoodle, ayaa dhowaan halkaasi ka dhacay waxaana ku dhintay dad gaadhaya toban qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan labaataneeyo qof, iyada oo maalmihii u dambeeyey ay ergooyin madaxdhaqameed ahi ku kala dhex jireen kuna dadaalayeen in ay nabada kala dhex dhigaan beelahaasi oo hadda lagu guulaystay in la heshiisiiyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here