MUUQAAL FADEEXAD AH-Dhalinyaro Waddani Basas Kasoo Buuxiyay Oo Markeliya Isku Bedelay Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Iyo Dhawaaqa Durbaanka Loogu Dabaal Degayo Muuse Biixi Oo Dhalan Rogay Astaamihii Xisbiga Waddani

0
505

Dhalinyaro Waddani Basas Kasoo Buuxiyay Oo Markeliya Isku Bedelay Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Iyo Dhawaaqa Durbaanka Loogu Dabaal Degayo Muuse Biixi Oo Dhalan Rogay Astaamihii Xisbiga Waddani

Taageerayaal Markoodii horeba Quluubta kala Socday xisbiga Kulmiye ayaa basas Lagu manta kadib xaflad Magaalada Hargaysa Loogu Qabanayay Xubno Siyaasiyiin Ah oo Mudo sided sano ah Bilaa camal ku Ahaa gudaha caasimada Isla markaana Aanay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo wax xil ah u Magcaabin

Taageerayaashan oo Sitay Astaamaha Siyaasiyiintan Basaska usoo Kireeyey Iyo calanka Xisbiga Waddani ayaa Markeliya Ku Qayliyay Guusha Xisbiga Midnimada iyo horumarka Somaliland Ee Kulmiye Iyo taageerada Ay u hayaan kadib markii ay Hilmaameen In Xisbiga Waddani uu Soo Saaray Baabuurtan ay ku damaashadayaan Gudaha Magaalada

Dhalinyaradan ayaa waxaa sida ka muuqata muuqaalka u Gooyay Ku dhawaaqista Xisbiga Waddani oo ay La socdeen Basaska ay soo kireyeen Taasi oo Muujinaysa sida Xisbiga Waddani u Yahay Bilaa Hadafka isla markaana uu Dhalinyaro Aan Xisbigoodaba aqoon Ugu Baryayo inay Madasha Xaflada oo Keliya oo usoo Buuxiyaan si Hadhoowna Sawiro looga Qaado iyo Muuqaalo Shacabka Somaliland loogu Tusinayo in Siyaasiyiintii kusoo Biirtay Ay Wateen Taageerayaal Miisaan Leh

Inkasta oo Mashruuca Sawiradu Xisbiga Waddani ka yahay Muhiimada Koowaad ee Taageero Lagu helo Hadana Waxaa Meesha ka Muuqata Habqanka siyaasadeed ee Waqtigan uu la daala Dhacayo Xisbigaasi oo Gebi ahaanba u Muuqda inuu ka madhan Yahay Hanaanka Siyaasadeed ee Lagu Bedeli Karo Xisbi Kale Waxaana Muuqata Gebagebadii in Ololaha Noocani uu Kama Danbaysta Noqon Doono Hal Bacaad Lagu Lisay

Xisbiga Wadani ayaa Maanta Ceeb iyo fadeexad ka qaaday kooxo dhalinyaro ah oo ay Basas kaga soo qaadeen xaafada calaamada ee Magaalada Hargeysa, si ay ugu camiraan kuraasta hoolka Maansoor oo ay xaflad ku lahaayeen

Dhalinyarada oo lagu sido Basas ayaa ku qaylinaayay in ay taageero u hayaan Xisbiga Kulmiye iyo Musharaxiisa Muuse Biixi Cabdi.

Saraakiisha sare ee Xisbiga Wadani ayay arrintani ku noqotay Waji Gabax maadama dhalinyaradii la soo qalday ee Basaska lagu Soo qaaday mar qudha ku qayliyeen Kulmiye ayaanu nahay iyo ha noolaado Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi

Xisbiga Wadani oo hore ugu Caan baxay in uu soo afduubo dhalinyarada, kuna soo Qaado Basas si ay hotel-da iyo kuraasta ugu camiraan ayay dhacdadii maantu ku noqotay Fajac iyo Af kala qaad.

Dhalinyaradan uu Xisbiga Wadani Maanta Soo afduubay ayaa intii ay maraayeen wadooyinka waaweyn ee Magaalada Hargeysa waxay si farshaxanimo ku dheehan tahay ugu luuqaynaayeen amaan ay u hayaan Xisbiga Kulmiye iyo Musharaxiisa Muuse Biixi Cabdi

Xisbiga Kulmiye ayaa taageero wayn ku leh qaybaha kala duwan ee Bulshada Somaliland iyada oo taageerayaasha ugu badani ku nool yihiin Magaalada Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here