Diyaarrada Fly Dubia Oo Hooyo Isa sidata Rakaab Ka Dajisay + Faldhiig Bax Ku Ah Shacabka Somaliland Oo Ku Kacdey, Wasiir Cali Mareexaan Oo Dareen Damqasho Leh Ka Muujiyey Iyo Wasiirka Duulista Oo Gardaro Garab Og Kula Saftay Diyaarradii Duuliyaha Xumayd

0
481

Diyaarrada Duulimaadyada ee Fly dubia ayaa ku kacdey faldhiig bax ku ah shacabka Somaliland waxaaney si fool xun la dhaqantay hooyo isasa sidata oo reer Somaliland ah isla markaana diyaarrada raacaysay dhacdadan ugubka ku ah Somaliland ayaa noqotay mid arxan darro ah oo la fajaceen bulshada ku nool Somaliland gaar ahaan inta raaci jirtay diyaarradan fly dubia waxaana dhacdadani fashil ku noqotay adeega diyaarada oo noqdey mid aan lagu safrikarin oo bini aadamnimada ka baxsa. Haddaba dhacdadaas waxaa si dareen dadnimo iyo mid masuuliyadeed ku jirto uga diirnaxay  Wasiirka hawlaha guud Md Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan), wuxuuna ka hadlay  Haweennay hooyo ah oo laga dejiyay Diyaarrada Fly dubia, taasoo uu Wasiirku sheegay in sifo qaldan looga dejiyay diyaarrada.

Wasiir Cali Marreexaan waxa uu sheegay in markii gabadhaas Ilmaha yar sidatay laga reebbay diyaaraddii uu isagunna go’aansadday innuu ka hadho duulimaadkii diyaaradda Fly Dubia, waxaannu arrintaas kaga faalloodday Qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay Facebook-ga.

Wasiirka Hawlaha Guud, guryaynta iyo gaaddiidka Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan), isagoo arrimahaas ka hadlaaya waxa uu yidhi “Gabadhani waa Somalilander waxay sidataa ilmo yar waxay u socotay UK

waxay airport Hargaysa timi 4.30 am si ay uraacdo Flydubai, anigu waxaan airport imi 6.40am si aan u raaco Flydubai. Hase yeeshe gabadhi iyo ilmaheeiiba waxaa diyaaradi lagaga soo rogay khasab. Diyaaraada waxaala fuulay 7.40am gabadha iyo ilmeheedi waxay fadhisteen kursigii loogu talo galay hase ahayee islaan waayeel ah oo aan kici karayn ayey isu bedeleen kursigii. Wax yar ka dib inan cadaan ah oo shaqalaha diyaada ka mid ah ayaa u timi gabadhii waxay u shegtay in ay kursigedii ku fadhisato waxay ku tidhi ka daaqada ma fadhisan karo waayo ilmo yar ayaan haystaa waxaa laga yaaba in aan kackaco oo aan musqusha u baahdo. Gabadhi shaqalaha ahayd way ku adkaysatay. Ninkale oo rakaabkii diyaarada ah ayaa yidhi kayga ha fadiisato.

 Gabadhii shaqaalaha diyarada ahayd way cadhootay waxay u tagtay captain_ kii diyaarada waxay go’aan ku gadheen in gabadha iyo ilmaha yarba diyaada laga dejiyo. Waxaa diyaradii soo fuulay shaqaale somali ah oo u shaqaynayey Flydubai waxay gabadhi u sheegeen in ay ka degto diyaarada waxay tidhi maxaan sameeyey waxaa lagu yidhi waxaad cayday inan shaqaalaha diyaarada ka mid ah waxay tidhi cidna maan caayin Laakin lama dhegaysan. In yar ka dib ayaan soo dhexgalay inamadii Somaliga ahaa waxay ii sheegeen in aanwax wayni jirin laakin captainku amar bixiyey waxaanay iga codsadeen bal in aan kabtanka ladlo. Kabtankii ayaan ugu tegey qolka diyaarrada laga wado waan isu sheegay wuu soo yara kacay wuu isasoo taagay waxan ka codsaday in aan gabadha iyo ilmaha yar la dejin wuxu iiishegay in ay go’aan ku gaadheen in aanay racin gabadhaasi diyaaradii waxay habsaantay saacad iyo toban daqiiqo. Markii uu aniga iyo managerka airprortka naga diiday waxaa telefon kula soo hadlay wasiirka duulista hase yeeshee insa waa la diiday.

Markaa waxaan anigu go’aan ku gaadhay in aniguna aan ka dego diyaarada. Inkasta oo ay isku dayeen in ay igu qanciyaan in aan raaco diyaarada hadana waxaan soo raacay gabadhii ilmaha yar sidatay.Sidaas ayaa aniga iyo gabadhiiba aanu kaga hadhnay diyaaradii. Waxaa ila soo hadlay markiiba regional diractorka Flydubai wuxuu iisoo garaacay apolog lakin waxaan u sheegay inuu raaligelin siiyo miskiintaa la dulmay shaqaaloodana waxay sameyeen ay ahayd masuuliyad daro. waxaanu iminka raacaynaa Daalo ama Juba.

Hadaad arki jirteen airhostess jajaban oo rakaabka soo dhaweeya oo dhoola cadaynaya oo caruurta iyo waayeelka caawinaya iminka waxa soo baxay kuwa laad kaga soo rogaya diyaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here