Komishankii La Dagaalanka Musuqmaasuqa Oo Fadhiid Noqdey Iyo Hogaankii Cusbaa Oo Xaalkiisu Galay Halkaa Maroo Muuqaa Lawaa

0
464

Shacabka Somaliland ayaa baafinaaya halka ay jaan iyo cidhib dhigeen shaqadii komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa waxaana soo shaac baxdey suurada fadhiidnimada mid la mid ah hogaankii kal-hore xilka tiriyey kaas oo tan iyo markii la, aas-aasay aan shaqo muuqata oo tii qaranku u igmadey aan qaban isla markaana aan badka keeniin wax u qabsoomay,

Waxaana hogaanka cusub ee komishanku ka mashquulay shaqadii dawladnimo isagoo dano gaar ah ka doorbidey waxaana soo ifbaxdey fadhiidnimo baahsan oo isqoorsatay xafiiska komishanka la dagaalanka musuqmaasuqa taas oo ahayd in wakhtigan ay xoojiso shaqada ay u igman tahay maadaama lagu jiro wakhti kala guur ah oo hay,addaha dawlada ay qaarkood wax isdaba marin ka jirto waxaaney dhegaha ka fureysteen dhawaaqii madaxweyne Axmed Siilaanyo ku soo saaray in wakhtiyada kala guur la ilaaliyo hantida qaranka .

Ilo looga qaateena oo diirada ku haya dhaq-dhaqaaqa komishanka maamul wanaaga ayaa wargeyska SAHAN u xaqiijiyey in hogaanka cusub ee maamul wanaagu tahlikariwaayey gudashada waajibaadka shaqo ee loo igmadey kaas oo ka badinla daawashada kursigii laga duday waxaana xaalkiisu noqdey mansab munad u yaal iyo damac aan deyrka komishanka aan dhaafin.

Komishankan oo ah mid qaabilsan dabagalka hay’adaha dawlada ee musuqmaasuqa ku kaca inuu badka keeno oo waajibaadkiisa ka guto ayaa shaqadii ka dhigay hal bacaad lagu lisay isla markaana u arag inuu qaranka u hayo masuuliyad weyn oo xil gudasho u baahan waxaana indhaha lagu hayaa maamulka dhicisoobay ee dooriyey komishankii loo baahnaa in wakhtigan lagu jiro uu xoog u shaqeeyo kaas oo dhawaaqii madaxweyne siilaanyo dhegaha ka fureystay in luuqdii madaxweynaha raaco si xakamo loogu helo hay’addo musuqooda la wariyey. Waxaana hogaankan maamulkisii noqdey halkaa maroo muuqaa la waa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here