Dadweyne Gadoodsan Oo Cabasho Ka Muujiyey Maayerka BURCO Iyo Ku Xigeenkiisa iyo Xerodhiigtii BURCO Oo Mugdiga Lagu Xaraashayo

0
550

Magaalada burco ayaa madaxa lagashay maamul xumo baahsan waxaana toddobaadkii ugu dambeeyey iska soo laba dhacayey qaylo dhaanta iyo cabashada maayerka iyo ku xigeenka burco Maxamed Muraad iyo Xodey kuwaas oo lagu eedeeyey inay dooriyeen magaaladii burco isla markaana ay hoy u noqotay hogaan xumo waxaana iska soo daba dhacay dadweyne ku mudaharaadayey cabasho ka dhan ah maayerka burco iyo ku xigeenkiisa oo isku sidkan kuwaas oo taayiro ku gubay jidadka isku teedsan ee gudaha magaalada iyadoona  sheegay in ay ka leexdeen qorshihii ay ugu codeeyeen oo salka ku hayey dib usoo celinta bilicda burco iyo waxkaqabashada adeegyada bulshada, waddooyinka kuwaas oo dhamaantood noqdey halbacaad lagu lisay waxaana soo ifbaxdey musuqa is ku tagli falka cashuurtii shacabka laga qaadey qaar ka mid ah dadweyne cabanaya oo la hadlay warfidiyeenka ayaa sheegay sidan” magaaladii burco waxaa loogu abaal gudey hogaan xumo iyo maamul xumo magaaladii cashuurtii ay shacabka ka qaadayeen ku tagrifalay iska daaye inay shacabka wax u qabtaane waxay dhisi kari layihiin dhismihii dawlada hoose ee dumay ina muraad iyo xodey ayaana ka masuul ah dib u dhaca burco maanta ragaadiyey”

Sidoo kale dadweynahan cabashada la gadoodsan ayaa ku tiraabay in waddooyin badan qabyo yihiin dhulka qaarna la iibshay waxaanay yidhaahdeen” wadadii aktoober waa qabyo oo lacagteedii waa la musuqay dhulkii burco jeebkaa lagu shubtay maayerkii wuxuu nugu sameeyey qabyaalad nin jeclaysi maraanu ku nidhaahno maxaa cadaalada muwaadiniinta naloogu sugiwaayey wuxuu yidhaahdaa nooga baxa xafiiska  markaa madaxweyne waxaanu kaa codsanaynaa in cadaalada loo wada sinaado oo gidaarkii lawada degnaado ama laga wada maqnaado haddii loo sinaan waayo wixii halkaa ka dhacana in masuuliyadeeda qaadi doono maxamed muraad” waxaa noo muuqata in halkii nagu xigtay ay raaskiisu dagan yihiin anaga uu nagu sameeyey arrin fool xun oo jidh dila oo ninkaasi waddo arrimihii siyaad bare laga diiday ee kaligiitaliye ka yahay magaalada burco . iyagoo wali dadweynahani cabashadoodii siiwata waxay carabka ku adkeeyeen inay cadaalad doonayaan “ haddii sharcigu dadka ina qabtaan qaarna qaban waayo malaa sharcigii ina muraad bay noqonaysaa sharci caadiya noqon mayso.

Sidoo kale ilo wargaleen ah oo ka imanaya magaalada burco ayaa sheegaya in maayerka burco iyo ku xigeenkiisu ay maleegeen qorshe ay mugdiga ku iibinayaan xero dhiigtii burco iyo goobo kale oo muhiimad wey ugu fadhiya dadweynaha ku dhaqan magaalada burco isla markaana ay ka gaws adeygeen in qorshe kale oo qurbo joog iyo dad deegaanka burco ay ku doonayeen in goobtan laga dhiso school ay ardey badi wax ka bartaan balse ay ku gacan say dheen xulufo uu hogaaminayo maayerka burco.

Dhanka kale xukuumadda Somaliland ayaa moogan dayaca dariska la noqdey hooyadii Somaliland ka unkantay ee burco oo hoy u noqotay maamul xumo xadhkaha goosatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here