Kaddib Xallintii Khilaafka Wakiillada Musharax Cirro Oo Gaadhay Dalka Sucuudiga Si Uu Usoo Guto Waajibaadka Xajka

0
391

Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa gaadhay Magaalada Jiddah ee Dalka Sacuudiga.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo safarkan uu ku wehelinaayay wiilkiisa Maxamed Cabdiraxmaan Cabdillaahi wuxu safarkiisu ku aadana gudashada cibaadada rabbi ee Xajka, waxaana ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Jiddah, halkaas oo qaybta VIP-da ay ku soo dhaweeyeen Xoghayaha arrimaha carabta Ambassador Axmed Aadan Dagaal (Safiina) iyo xubno kamid ah waxgaradka Jaaliyada Somaliland ee Sacuudiga

Murashaxa Xisbiga WADDANI waxa loo galbiyay Huteelka loo sii diyaariyay, waxaana la filayaa inuu maalmahan khayrka leh ee 10-ka bisha Dulxaj uu gudan doona acmaasha Xajka.

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ka hor intaanu maanta ka anbabixin Waddankiisa Somaliland wuxuu si taariikhi ah u sii dhammeeyay oo uga odayeeyay khilaafkii cakirnaa ee Golaha Wakiilada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here