SOOMAALIYA: Wasiirrada Oo Ogolaansho U Qaadanaya Hadallada Ay Warbaahinta Siinayaan

0
562

Muqdisho, 28 August, 2017-(Himilo) – War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaare ku-xigeenka Dalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa lagu amray xubnaha Golaha Wasiirrada in ayna isticmaali karin baraha bulshada iyo Warbaahinta qeybaheeda kala duwan, iyaga oo aan ogolaansho heysan.

Qoraalka ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa lagu faray dhammaan Wasiirrada in ayna isticmaali karin baraha bulshada, Idaacadaha, Telefishinada iyo wixii la xidhiidha Warbaahin, ay u baahan tahay in marka hore ogolaansho ka heystaan xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Sidoo kale waxa la faray Wasiirrada in aanay ka hadli karin arrimo siyaasadeed oo xasaasi ah, isla-markaana loo baahan yahay in la isla ogyahay mowduuca ay ka hadlayaan ee khuseeya Xukuumadda Raysal-wasaare Xasan Cali Khayre ee Soomaaliya.

Qoraalka uu Raysal-wasaare ku-xigeenku ku amrayo Wasiirradu in aanay Baraha Bulshadu ku xidhiidho ku baahin karin Warar khuseeya Dawladda ayaa u qornaa sidan “Dhammaan Xubnaha Golaha Wasiiirrada ee Warqaddani ku socoto waxa lagu wargelinayaa in isticmaalka baraha Bulshada, Idaacadaha, Telefiishannada iyo dhammaan wixii la xidhiidha Warbaahin inay u baahan tahay in marka hore in Ogolaansho ay Wasiirradu ka haystaan Xafiiska Raysal-wasaaraha, la islana ogol-yahay Mowduuca aad Warbaahinta kala hadlaysaan, mar kasta oo ay khusayso Arrimaha Xukuumadda. Haddaba waxa reebban in Baraha Bulshada loo isticmaalo Arrimo-siyaasadeed oo xaasaasi ah.

Sidaa daraadeed, waxa la idin farayaa inaad fulisaan Arrimaha sare ku xusan ee waafaqsan Siyaasadda Warbaahinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Ugu dambayn, Arintan ayaa ka danbeysay kaddib markii xubnaha Golaha Wasiirradu qoraallo iska soo horjeeda ama is burinaya ku faafiyeen Baraha Bulshada, kuwaas oo la xidhiidha Dil 9 Qof oo Shacab ah loogu geystay Deegaanka Bariirre ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dalka Soomaaliya, Qoraalladaa iska soo horjeeda oo keenay in warbaahinta iyo bulshada inteeda kale ku jahwareeraan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here