Wasiir SAMSAM, Waxaan Ku Hambalyeynayaa Dhamaystirka Biyo-gelinta Wajaale Iyo Guud Ahaan Daryeelka Aasaasiga Ah Ee Bulshada U Qabato

0
877

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ah muwaadinad u dhego-nugul wax ka qabashada adeegyada aasaasiga ah ee shacabka, waxaan leeyahay Marwo Samsam in badan waxaan ka daawaday Warbaahinta Dalkeena Adigoo ku hawlan shaqo ka baxsan Waajibaadka iyo xilka Wasaaradda Maaliyadda oo aad Wasiir ka tahay, xaqiiqaduna waxay tahay waxaad ku taagan tahay ama aad fulisay murtidii ahayd “Tiisaba Daryeelaa tu kale ku dara”.

Adigoo Xilkii iyo shaqadii Wasaaraddaada haya oo gutay waajibaadkaagii shaqo, waxaan Anigu kugu qiimayn lahaa xilkaaga ah Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda in aad ku dartay Ergayga guud ee wax ka qabadashada adeegyada aasaasiga ah ee shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaasi awgeed, waxaan leeyahay waan kugu bogaadinayaa sida aad ugu heellan tahay daryeelka adeegyada aasaasiga ah, sida Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo gurmadka abaaraha ee shacabka Somaliland.

Sidoo kale, waxaan kugu hambalyeynayaa dhamaystirka mashruuca biyo-gelinta degmada Wajaale oo aad dhamastirtay 26/8/2017, Mashruucaas biyaha Wajaale oo afar sannadood ay naawilayeen bulshada ku nool degmada Wajaale .

Waxaan leeyahay Wasiir Samsam Alle hakaa abaalmariyo samafalka iyo ka War-haynta baahida shacabka Somaliland.

Wa billaahi Tawfiiq

Mawliid Aadan Cumar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here