WADDANI Oo Sumad Soocdin Ah Ku Dhuftay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble + Gar Gaar Uu Ka Filayey Oo Gaaxday Iyo Guuxa Xadhka Goosashadiisa Oo Gil Gilay Ardaaga Musdanbeedka

0
576

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa u baneeyey Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble kaalmo garab istaag oo uu uga baahday ka dib markii uu ku dhawaaqay inuu isku sharaxay isla markaana isku soo taagay jagada Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiilada Somaliland.

Siciid Cilmi Rooble oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in uu kursiga Wakiilada ee gudoomiye ku xigeenka ka tanaasulay isla markaana uu u codeeyey Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle waxana uu arintaasi ku sababeeyey ka dib markii xisbigiisu soo dhigi waayey ama uu taageeri waayey oo uu u baneeyey garabkii uu ka filayey.

Siciid Cilmi Rooble waxa uu sheegay in uu mar kale faah faahin doono arimo badan oo u dhaxeeya isaga iyo xisbigiisa waxaana uu ka gaabsaday inuu faah faahin ama iftiin ku sameeyo bal qaabka xisbigiisu garabkiisa u baneeyey ee ay ugu codayn waayeen ama ay ugu ololayn waayeen hanaan xisbinimo waxaana uu yidhi. “anigu Murashax ayaan ahaa waan tanaasulay xisbigaygii ayaan I soo dhigin oo dee ma taqaanaa sidaa aw geed ayaan u tanaasulay codkiina waxaan siiyey ina Sheekh Cali Ayaanle intaa wixii ka badana gadaalbaan ka hadli doonaa hadii Alle yidhaahdo.” Ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble waxaana uu warbaahinta ka dhaqaaqay iyaga oo la hadlaya isla markaana waydiinaya su’aall ah sidaanu xisbigiisu u soo dhigin oo u dhignayd waa lay hagraday.

Xildhibaan Sala-callee oo ka soo jeeday mudo badana ku soo jiray xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa ku biiray xisbiga Waddani waxaana durba soo baxaya in uu saluug san yahay hanaanka siyaasadeed ee uu u socdo xisbiga Waddani halka wararka qaarna sheegayaan in Siciid go’aanasaday digarasho markale iyo siyaasadda ah.

Waxa si wayn looga war sugayaa warka danbe ee uu Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble galka seefta kaga saari doono isla markaana uu ku shaacinayo dhacdooyinkii ku lamaanaa murashaxnimadiisa iyo diidmadii uu xisbigiisa kala kulmay.

Xisbiga Waddani marka la eego waxa uu dagaal adag la galay oo uu la halgamay murashaxii xisbigooda u tartamayey kursiga gudoomiyaha golaha wakiilada oo laga awood roonaaday balse waxa is waydiin leh sababta ay uga seexdeen Gurmadkii uu Sala-calee ka dalbaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here