Xisbiga KULMIYE Oo Isku Kala Bixiyey Wakiillada, Cugashadii Axmed Yaasiin + Ciil Kaanbigii Sala-calee + Casharintii Hambalyada Iyo Af Xidhnaanta WADDANI

0
535

Shalay oo ay axad ahayd waxa loo balansanaa doorashada Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee shirgudoonka golaha wakiilada waxaana doorashadaasi ku lamaanaa dhacdooyin ugub ku ah doorashooyinka iyo codayntooda iyada oo masuuliyiinta golaha wakiiladu ku kaceen arimo dhif iyo nadir ku ah Somaliland.

Warbaahinta madaxa banaan ayaa gudaha golaha wakiilada laga caydhiyey iyada oo aanay jirin haba yaraatee cid warbaahineed oo goob jog u ahayd markii doorashada Gudoomiye ku xigeenka 1aad dhacaysay iyada oo lagu war helay natiijo maqiiqan oo warbaahinta loo soo gudbiyey.

Cod aan muran ka daba tag ah lahayn ayuu Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ku noqday Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiilada waxaana taariikhda markii u horaysay shirgudoonka wakiiladu ka soo wada jeesteen hal xisbi oo kali ah taasi oo aan hore u dhicin waxaana sadexda Kursi ee Shirgudoonku ka kooban yahay ay ka soo jeedaan kuna abtirsadaan dhamaantood xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye.

Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo gobolka Awdal ka soo jeda ayaa helay 50 cod oo ah Aqlabiyad aan muran lahayn waxaana uu masuuliyiinta xukuumada iyo guud ahaan dalka uu kala kulmay casharin hanbalyo ah sidoo kale waxa hanbalyeeyey Cali Khaliif Galaydh oo ah Madaxweynaha kooxda Khaatumo oo wakhtigan ku sugan magaalada Hargeysa.

Xisbiga Waddani ayaa wali afka ka xidhan isla markaana aan wax hanbalyo ah ka soo saarin doorashada Wakiilada ka dhacday halka Madaxtooyada xukuumada iyo xisbiyada dalku ay hanbalyo u direen Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo noqday Gudoomiye ku xigeenka Wakilada waxaana xisbiga Waddani lagaga awood roonaaday Hanada kuraasta Shirgudoonka Wakiilada oo wakhtigan u gaar ah xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here