Ganacsato Shaqo Galiyey Koox Oromo Ah Oo Hadhcad Banaanka U Soo Saaraya Maydadka Ku Aasan Dhulka Xabaalaha Berbera Iyo Shareecada Islaamka Oo Laba Jeer Xaaraan Ka Dhigtay

0
746

Xabaalo qadiimi ah oo taariikh ahaan lagu tirinayo 60-dankii iyo wixii la sinaa ayaa kooxo ganacsato ah oo Horumarka Berbera la dhansani waxa ay u direen koox toboneeyo Oromo ah oo lafihii xabaalaha ka saaray isla markaana ka dhigaya dhul banaan ah si looga dhiso ganacsi la doonayo in laga hirgaliyo magaalada Berbera.

Kooxda Oromada ah ee xabaalaha loogu tagay iyaga oo lafahii marxuumiinta ka saaraya ayaa waxa ay shegeen in fasax amar ah ay ka haystaan wasaaradda diinta iyo aw-qaafta Somaliland isla markaana xukuumada dhexe fasaxday in xabaalahaasi la qodo oo laga saaro lafaha marxuuminta si Meherado ganacsi looga furo goobtaasi waxaana uu yidhi mid ka mid ah dadka xabaalaha qodayey oo saxaafadda la hadlay sidan. “waxaan fasax ka haysanaa wasaaradda diinta iyo awqaafta dhawr iyo toban shaqaale ah ayaanu nahay iyadaa na fasaxdo waa dariiq meeshani meel kale ayaa loo rarayaa laba maalmood ayaanu qodaynay mayd aanu meesha ugu tagnay ma jirto meeshu waa iska waafi laakiin waxaanu xabaalaha ka soo saarnay lafihii yar yaraa.”

Dadka Reer Berbera oo garanaya taariikhda xabaalahan isla markaana soo gurmaday  markii dhacdadani dhacday ayaa waxa ay xabaalaha dushooda kula hadleen warbaahinta waxaana ay sheegeen in arimaha lagu kacay ay tahay talaabooyin lagu cadho galinayo ILLAAHAY waxaana ay yidhaahdeen. “waxa ayaan daro ah Berbera waxyaalaha qaarkood kama jiri jirin inan yaroo ganacsade ah ama nil waloo maqlay Berberaa waxa noqotay inuu dadka guryahooda ugu tago waar Allaha qafuuru raxiimka ah reer berberi way ka cabsan jireen waar Masaajidkii ILLAAHAY ee Berbera ku yaalay ee Sheekh Isxaaq la odhan jiray ayaa masaajidkiina quful saran yahay dadkiina masaajidkii hortiisa ku tukanayaan manta xabaalahaa ninka doonaya inuu ku dul ganacsado ee Maydkii iyo lafihii dib uga soo guraya waar faqashtii ma ahayn inanka yidhi Faqashtii ayey ahayd oo si khaldan ayaa loo aasay Naclatulahi Calayk ayuu ILLAAHAY yidhi kuwa beenalayaasha ah waar 1960-kii ayey ahaayeen waa dadkii meeshooda loogu yimi ee reer guuraaga ahaa deegaanka.”

Dhinaca kale Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta ee gobolka Saaxil oo iyaduna xabaalahaasi gaadhay ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in habayaraatee arinkan aanay waxba kala socon waxaana ay sheegeen in Diinta Islaamku arinkan aanayn banayn sidoo kalana ay xaaraan tahay in ay xabaalaha qodaan dad aan diinba haysan oo waxa ay yihiin la garanayn waxaana uu yidhi Masuul u hadlayey Wasaaradda diinta iyo Aw-qaafta Somaliland. “Arinkaas Wasaaradda diinta iyo aw-qaafta ee gobolka haday tahay iyo haday Wasaaradda guud ahaan tahay haba yaraatee arinkaa wax war ah kama hayso lama ogaysiin maqalkeeda Habeenkii xalay ahaa (Habeen Hore) ayaa noogu horaysay saaka (Shalay) waan ku soo kalahay waan imi xili hore waxaan u imi iyadoo toban xabaalood laga saaray waxaan filayaa 20 xabaalood ayey ahaayeen sidaad arkaysaan tobankii kalana intaanu ku soo soconay ayaa laga gaadhsiiyey oo laga saaray arinkaasi waa khatar aan Sharecada looga meel dayin dadka ka shaqaynaya waad aragtaan waa Oromo maaha dadkii ka shaqayn lahaa in maydadka iyo lafaha ay xabaalaha ka saaraan taasina waa tacadi labaad oo dhacay.” Ayuu yidhi Masuulka u hadlayey Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here