Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhakhso Dalka Ugu Soo Laabanaya Iyo Shacabka Oo U Dheg Taagaya Go’aanka Uu Ka Qaato Masuuliyiin Shaqada Laga Dabray

0
646

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la sheegay inuu sida ugu dhakhsaha badan dalka ugu soo laaban doono isla markaana u so oaf meeri doono socdaalka uu ku joogo Imaaraadka Carabta balse waxa uu soo marayaa sida xogo dheeraad ahi Wargeyska Sahan u sheegayaan wadanka Sucuudiga oo ay kaga soo horeeyaan koox wasiiro ah oo uu ay ka mid yihiin Wasiirka Madaxtooyada iyo Wasiirka arimaha dibada Somaliland.

Khilaaf cakiran ayaa ka dhex taagan Xukuumada dhexe sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa xayiraad saaray Gudoomiyihii gobolka Awdal isaga oo ku ladhay warqad uu ku canaananayo Gudoomiye Shine kuna tilmaamay masuul ka leexday siyaasadii xukuumada iyo tii xisbiga isla markaana uu faro-galin sharci daro ah ku sameeyey arimaha dhulka iyo hawlaha shaqo ee Dawlada Hoose.

Xildhibaan Axmed Diiriye Nac Na coo warbaahinta la hadlay isla markaana ka mid ahaa xubnihii Madaxweynaha u sii raacay wadanka Imaaraadka Carabta lana joogay markii qaliinka qabsinka lagu samaynayey ayaa mar uu ka hadlayey xaalada Madaxweynaha waxa uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo si dhakhso ah wadanka ugu soo laaban doono iyada oo loo aanaynayo ama lala xidhiidhinayo khilaafaadka Xukuumada dhexe ka taagan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa laga sugayaa shacabkuna si wayn dhegta ugu taagayaan go’aanka uu qaato Gudoomiyaha gobolka Awdal oo markii Madaxweyne ku xigeenku xayiraada saaray dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa shaqadiina soo wareejiyey.

Xildhibaan Axmed Diiriye Nac Na coo xaalada Madaxweynaha ka hadlay isla markaana shaacinaya in Madaxweynuhu si dhakhso ah u soo laabanayo ayaa waxa uu yidhi. “Madaxweynuhu wuu caafimaad  qabay iminka waxaan ka imi isaga oo shaqo maalmeedkiisii wata iminkana si dhakhso ah ayuu u soo laaban doonaa.” Ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Diiriye Nac Nac oo shaaciyey in Madaxweyne Siilaanyo si dhakhso ah wadanka ugu soo laaban doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here