Faysal Cali Waraabe Oo Fagaare Markhaatiyeysan Ku Unkay Hanaan Lagu Joojinayo Qaadka Somaliland Oo Uu Mudo Hore Ka Mid Ahaa Shaqsiyaadka U Rahman

0
654

Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo goob dadweynuhu ku shaaheeyeen bulshada ugaga jawaabay su’aallo toos ah ayaa waxa uu ka hadlay qodobo nolosha shacabka Somaliland ku xeeran iyo qaabka wax looga qaban doono.

Ugu horayn Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID waxa uu sheegtay Libinta dib u heshiisiinta shacabka Somaliland iyo hanaankii dalka lagu mideeyey waxaana uu sidoo kale sheegay inuu gali doono buuga taariikhda heshiisiinta Somaliland iyo dhulbahante oo iminka lagu jiray wada hadalkooodiii waxaana uu yidhi. “hadii aad xasuusan tihiin 94-kii markii habruhu islaynayeen waxaan sameeyey gudidii dib u heshiisiinta Somaliland aniga iyo Xasan Samatar iminkana waanigan ku jira Somaliland iyo Khaatumo wada-hadalkeedii taasi waxa weeye in dadka la mideeyo ayaa ka kow ah Qabyaalada waxa ay ku xidhan tahay kolba cida madaxda ah haduu qofka madaxda ahi qabyaalada iska maydho oo uu cadalad ku shaqeeyo ka ka hooseeyaana wuu ku shaqaynayaa anagu Insha allah waxaanu keenaynaa madax iimaan qabta oo aqoon leh oo aanu caaqil keenin oo aanu Suldaan keenin oo aqoontiisu keentay oo iimaan leh oo ILLAAHAY ka baqaya sharci ilaaliyana waan samaynaynaa waxa musuq maasuqa iyo eexda keenayna waa Mushaharka yar wasiir qaawanoo iska yimo oo la soo eryoo London Un-tu ka soo eryeen oo caruurtiisii gabay marka aad wasiir ka dhigtid saw wixii qadhiidhan maayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here