Wasiir Xukuumadda Ka Tirsan Oo Dacwad Maxkamadeed Ku Furaya Xisbiga Waddani Iyo Kiis Danbiyeed Qaran Oo Lagu Soo Oogayo

0
552

Wasiirka Wasaaradda Dalxiiska iyo dhaqanka Somaliland oo la hadlayey warbaahinta madaxa banaan ayaa waxa uu sheegay in ay maxkamad u gudbin doonaan xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani marka ay soo helaan cadaymo rasmi ah oo la xidhiidha goobo taariikhi ah oo xisbiga Waddani ku xardhay astaanta xisbiga mucaradka ah ee Waddani.

Wasiirka ayaa ugu horayn sheegay in xisbiga Waddani aanay barnaamij u noqon doonin ama siyaasad aanay u ahayn wadooyin magacyo iyo astaamo lagu xardhay isla markaana ay tahay qayb ka mid ah guul darada waxaana uu yidhi “Waan arkayoo xataa wadooyinkii ayaad ku arkaysaa in lagu qoray dee waliba xisbi kale maahee anigu Waddani ayaan ku arkay inta badan markaa marka aad xisbi tahay muhiimadu maaha inaad meel wax ka xariiqdid laakiin waa inaad la timaado barnaamij aad umada ka iibinaysid si ay umadu kuugu codayso laakiin hadaan meel walba calan ka taago oo dadkii aanan barnaamij ula iman markaa calanku dee waxba soo kordhin maayo aroorta waa la dejin doonaa marka uu qofkaasi dhaco.”

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka iyo dalxiiska Somaliland ayaa waxa uu shaaciyey inay maxkamad la tiigsan doonaan xisbiga Waddani iyo cid kasta oo lagu helo inay goob taariikhi ah ku xardheen magaca ama astaanta xisbi siyaasadeeed oo danbi qaranka laga galay ah waxaana uu yidhi. “meelaha wax lagu qoray ee aansaarta ah waanu ka xunahay waxaanu uga digaynaa ama ay noqonaysaa inaan xeer maxkamadeed la tiigsano cida ay ku cadaato ama aan ku helno in meel aansaar qadiimi ah ama yaalay ay ku qor qoreen hawsheediina waan ku jirnaa.”  Ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here