Wasiir Mareexaan Oo Ka Hadlay Riyadii Rumowday Ee Madaxweynaha Oo Xisbiga Waddani Iskiisad U Qaatay Dhacdadii Haweenaydana Sheegay In Uu Bulshada Ka Saxal Saari Doono Tashuushka La Galiyey

0
714

Wasiirka Wasaaradda Hawlaga Guud iyo Gaadiidka Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed (Mareexaan) oo ku sugan wadanka Turkiga ayaa markii u horaysay waxa uu ka hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid tahay wadada Ceerigaabo oo xisbiga Waddani safka hore kagaga darsaday wax qabadkiisa siyaasadeed.

Wasiir Cali Xasan waxa uu sidoo kale sheegay isla markaana uu bayaamiyey in wadada ceerigaabo guud ahaan dhismaheedu isku xidhan yahay oo kaliya ay qayb yar oo ka mid ah u hadhsan tahay dhigista daamurka taana la dhamaystiri doono waxaana uu yidhi. “Shacbigu badankiisu waa og yahay oo wadada ceerigaabo waa mashruuca ugu way nee dalka ka socda wuxuu marayaa meel fiican sadex boqol oo kiilo mitir 300KM. oo wax yar ka dhiman tahay ayuu ahaa qaybna daamurka oo Wadada Finalka ayaa socotay qaybna caro tuurka markaa wuu isku xidhmay caro tuurkii sadexdii boqol ee kiilo mitirba iminka wixii dhimana waa la dhamaystiri doonaa hadii alle ka dhigo.”

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud Gaadiidka iyo guryeynta Somaliland waxa uu ka hadlay waxyaabaha xaga hore ugu jira xisbiga Kulmiye ee ay dalka ka qaban doonaan hadii ay mar kale ku guulaystaan talada wadanka waxaana uu yidhi. “qodobka koowaad waxa weeye dhamaystirka qorshayaashii hore ee jiray ee iminka gacanta lagu hayo ee ay ka mid tahay maal-galinta dalka ee shirkadaha waawayn iyo dalalka kale ee wadanka maalgalinta ka samaynaya ee lagu soo xidhay sidii ay midho dhal u noqon lahaayeen waxyaabaha kale ee muhiimka ah waxa ka mid ah in dhaqaalaha dalka kor loo qaado si shaqo abuur badan loo helo taasina waa wax joogto ah oo soconaysa mar walba taagan oo wax mar qudha ku dhamaanaysa maaha ee waa wax mar walba loo baahan yahay inay wakhti dheer socoto waa arimaha Barnaamijka cusub ee iminka ku jira waxyaabaha kale ee u qorshaysan ee Barnaamijka ku jira waxa ka mid ah tayaynta waxbarashada Xisbiga waxa uu maskaxda ku hayaa in waxbarasho tayo-leh oo la tartanta dawladaha waawayn ee horumaray ee dalkan aynu joogno (Turkigu) ka mid yihiin la gaadhsiiyo.”

Ugu Danbayn Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud gaadiidka Iyo guryeynta Somaliland Cali Mareexaan waxa uu markii ugu horaysay si maqal iyo muuqaal ah uga hadlay dhacdadii haweenaydii Diyaaradda laga dajiyey waxa uu hoosta ka xariiqay inaanay jirin arin ugub ama dheeri ah oo uu kaga damqasho badan yahay shacabka Somaliland waxaana uu yidhi. “waxaan jecelahay hawshaa gabadha marka aan dalka ku noqdo inaan ka hadlo iminka ma doonayo inaan waxyaabo badan maadaama oo aan dalka ka maqanahay siyaabo kala duwana looga hadlay waxaan doonayaa in marka aan dalka ku noqdo aan si fiican uga hadlo wadaniyad dheeraad ah iyo wax la yaab leh oo aan dadka dheerahayna ma jirto masuuliyiinta qaranka uunbaan ka mid ahay hawshaana xagaas ayaan kaga hadli doonaa hadii alle ka dhig.” Ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here