“Colaadu Guux Ayey Leedahee Marka Sanqadheeda La Maqlo Waa In La Qabto.” Suldaanka Guud Ee Beelaha Suber Awal Oo Xaalad Wadanka Ka Taagan Ka Hadlay

0
657

Suldaanka Guud ee Beelaha Suber Awal Suldaan Xasan ayaa markii u horaysay baaqyo is barkan ka soo saaray colaado ka kala jira Buuhoodle iyo Ceerigaabo waxaana uu ugu horayn ku hanbalyeeyey waxgaradka iyo Salaadiinta ku guulaystay inay damiyaan shaqaaqadii deegaanka Buuhoodle oo dhimasho badan ka dhalatay.

Suldaan Xasan waxa uu sheegay inay haboon tahay in dhacdo kasta ama colaad kasta oo dhacaysaa ay leedahay sanqadh lagu garto curashadeeda loona baahan yahay in markiiba laga hortago waxaana uu yidhi. “Waa wax lagu diirsadaa in shaqaaqadii Buuhoodle la soo afmeeray oo lagu guulaystay oo lagu farxaa marka rag kaa mid ahi guulaystaan ay nabad galyo gayigeenii ku sugaan guud ahaan gayigeenii waa nabad walow aad moodo in dhawayd in dhinaca bariga ay u badan tahay arimo casru jaahili ah oo la odhan karo way inagu soo noq noqdeen waxa aanada la yidhaahdo iyo waxyaabaha la mid ka ah rag baa meeshii jooga xeerbeegti ah oo xaajo qaad ah qoladaa Buuhoodle waxaan leyahay iyaga halkaa Hanbalyo ee ku guulaystay nabada halkaa Hanbalyo ee ku guulaystay nabada halkaa ka midho dhashay waxaanan ku boorinayaa shacabka Buuhoodle inay markasta Ergadaasi soo dhaweeyaan.”

Sidoo kale Suldaanka guud ee Beelaha Suber Awal waxa uu ka hadlay colaada aan wali la sal dhigin dhamaystirkeeda ee ka taagan Dararweyne waxaana uu ILLAAHAY ka baryay in guud ahaan Somaliland nabad iyo barwaaqo ku noolaato waxaana uu yidhi. “Meelaha ay ka mid tahay Dararweyne ee aanay wali arinkeedu si wayn u sugmin waxaan leenahay mar hadii aanu madax dhaqmeedkii nahay mar hadii aynu ku jirno maalmihii barakaysnaa tobankii casho ee ILLAAHAY ku dhaartay ayeynu ku jirnaa waxaan ILLAAHAY uga baryayaa guud ahaan gayiga Somaliland inuu nabad ka yeelo gaar ahaan bariga balaayo daaman la qabto ayey leedahee daaman la qabto malaha inta aanay wax dhicin waa inay dadku guud ahaan amniga sugaan oo laga hortagaa balaayada wixii naf ah ee ku baxaya ILLAAHAY baa qoree la baajin maayo laakiinse waa inaynu ka hortagnaa balaayadu markiiba ma dhacdoo qabtu ma dhacdee waa inaynu marka aynu guuxa maqalno aynu qabanaa waxbaa ka sii horeeyaa ILLAAHAY ha inaga qaboojiyo colaadaasi.” AYuu yidhi Suldanaka Guud ee Beelaha Suber Awal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here