Saylici Oo Markale Wareegto Kabash Kabash Abuurtay Dul Dhigay Xukuumadiisa Iyo Mudo Aan Seeto Gaaban Oo Uu Ku Amray In Todobo Sano Wixii Dhacay Dib Loogu Soo Abuuro

0
526

Madaxweynaha Ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo wareegtoon naxdin gariir ku ah masuuliyiinta xilalka ka haya Dawlada isla markaana shaqooyinkoodu fadhiidka u badan yihiin soo saarayey tan iyo intii uu talada wadanka ula wareegay hanaanka ku meel gaadh ka ah ee Madaxweynuhu wadanka uga maqan yahay ayaa waxa uu wareegto culus dul dhigay dhamaan Hay’addaha iyo Wasaaraddaha dawladda oo uu ku amray in mido todobaad gudohood ah ku soo saaraan kuna diyariyaan waxqabadkii xukuumada una soo gudbiyeen Madaxtooyada waxqabadkaasi oo laga soo bilaabayo markii xukuumada Madaxweyne Siilaanyo xukunka qabatay.

“Sida aad la socotaan waxa gabo gabo ku dhow mudo xileedka Xukuumada jamhuuriyada Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Sidaasi darted Mudanayaal iyo Marwooyin waxaan idin farayaa inaad soo gudbisaan waxqabadkii xukuumada ee ka bilaamayey July 2010 ilaa Ougust idinka oo ku soo gudbinaya mudo toban casho ah oo ku eeg 7 bisha 9 ee sanadka 2017 inaad soo gudbisaan waxqabadkiina oo qodobaysan idinka oo raacaya hab raaca shaxda halkan ku lifaqan soona raacinaya sawirada Mashaariicda kuna soo hagaajinaya xafiiska Madaxtooyada.” Ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxman Saylici.

Talaabadan ayaa ah tii labaad ee wareegto amar ah oo uu soo saaray Madaxweyne ku xigeenka Somaliland tan iyo intii uu Madaxweynaha Somaliland dalka ka dhoofay isaga oo ku sugan Imaaraadka Carabta waxaana talaabooyinkani noqonayaan kuwo adag oo socod daalis ku ah Wasaaradaha dalka iyaga oo mudo Tobon casho gudahood lagu amray inay ku soo ururiyaan waxqabadkii mudada todobada sano ah socday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here