Madaxweynaha Mexico Oo Markii U Horeysay Ka Hadlay In Dawladiisu Bixinayso Kharashka Ku Baxaya Dhismaha Xadka Marakaynka

0
451

Madaxweynaha dalka Mexico, Enrique Pena Nieto, ayaa sheegay inuu doonayo sii wadidda wada hadallada Mareykanka uu dalkiisa la galayo si xal looga gaadho muranka xadka ee u dhaxeeya.

Wuxuu dhanka kale sheegay inuusan aqbali doonin wax codsi ah oo ka yimaada Mareykanka kaas oo wax u dhimaya sumcadda Mexico.

Waa khudbaddiisii ugu horreysay ee uu jeediyo madaxweynaha Mexico tan iyo markii madaxweyne Trump uu xilka Mareykanka qabtay, isla markaana uu ballan qaaday inuu derbi ka dhisi doono xadka koofureed ee Mareykanka dalka iyadoo Mexico lagu qasbayo inay qarashka bixiso.

Pena Nieto ayaa sheegay in qunsullada Mexico ee dalka Mareykanka ku sugan ay haatan yihiin kuwa wax ka qabanaya oo difaacaya xuquuqda muhaajiriinta isla markaana la dagalalamay takoorka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here