Muslimiiinta ROHINGA Oo Buux Dhaafiyey Xeryaha Qaxoontiga Ee Bangaaladhesh

0
624

Hay`adda arrimaha qaxootiga ayaa ka digtay inay buux-dhaafaan xeryaha qaxootiga dalka Bangladesh ee ay ku soo qulqulayaan Muslimiinta Rohingya ee ka soo qaxaya dalka deriska la ah ee Myanmar.

Ilaa iyo haatan lixdan kun oo Muslimiinta Rohingya ah ayaa ka tallaabay xadka Myanmar uu la wadaao Bangladesh muddo toddobaad ah.

Afhayeen u hadashay hay`adda ayaa BBC-da u sheegtay in xeryaha qaxootiga ay buux-dhaafi doonaan, haddii qulqulka qaxootiga Rohingya uu sii kordho.

Ciidamada Myanmar ayaa bilaabay olole ka dhan maleeshiyaadka Rohingya ee ku sugan gobolka Rakhine toddobaadkii la soo dhaafay. Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Britain, Boris Johnson, ayaa ugu baaqay madaxweynaha Myanmar, Aung San Suu Kyi, inay soo afjarto qalalaasaha dalkaasi ka taagan.

Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP ayaa sheegaya in toddobaadyadii la soo dhaafay uusan gargaar gaadhsiin boqollaal kun oo qof, sababo la xiriira dagaalka halkaasi ka socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here