Hoggaamiyihii Isbahaysiga Mucaaridka Jabuuti Axmed Yuusuf Xaamud, ayaa ku geeriyooday dalka Faransiika, kaddib markii maalmihii la soo dhaafay uu ku xanuunsanayay Dalkaasi.
Axmed ayaa Bishii August ee la soo dhaafay la geeyay Cisbitaal ku yaalla Magaalada Quimper ee Galbeedka Faransiiska, halkaasi oo lagula tacaalayey Xaaladdiisa Caafimaad, laakiin uu Shalay ku geeriyooday.
Maki Huubed oo ka mid ah Wakiillada Isbahaysiga USN ee mucaaridka Dalka Jabuuti ayaa Xaqiijiyey Geerida Hoggaamiyihii Isbahaysiga Mucaaradka Jabuuti Axmed Yuusuf.
Maki ayaa sheegay in Marxuumka lagu aasay Salaasadii Doraad Xabaalo Dadka Muslimka ah lagu aaso oo ku yaalla Magaalada Quimper ee Galbeedka Dalka Faransiiska, iyadoo ay Aaskiisa ka qayb-galeen xubno ka mid ah Isbahaysiga Mucaaridka ah ee dalka Jabuuti.
Axmed waxaa uu ahaa Guddoomiyaha Isbaheysi ka kooban 7 Xisbi oo la baxay USN, kuwaas oo la aasaasay Bishii January 2013kii, waxaana uu tan iyo xilligaas ahaa hoggaamiyaha Isbaheysiga Mucaaridka ah ee Dalka Jabuuti.
Marxuum Axmed Yuusuf Xaamud ayaa Geeriyooday Da’diisa oo ah 79 Sano jir.